Muxuu Thomas Muller Ka Yidhi Dhacdadii Dhexmartay Isaga Iyo Pepe ?

Muxuu Thomas Muller Ka Yidhi Dhacdadii Dhexmartay Isaga Iyo Pepe ?

Peepee

Thomas Muller ayaa ka hadlay dhacdadii xalay dhexmartay isaga iyo difaaca ree Portugal ee Pepe. Pepe ayaa wajiga Muller kaga dhuftay gacanta kadibna Muller ayaa dhulka ku dhacay isagoo wajiga is haya kadibna Pepe ayaa intuu dib ugu soo laabtay madaxa ka hidheeyay Muller. Muller ayaa si dhulka isku sii tuuray kadibna inta uu soo kacay ayuu Pepe la dagaalami gaadhay taas oo keentay in kaadhka cas loo taago Pepe.
Muller oo ahaa halyaygii ciyaarta isla markaana saddexlay ka dhaliyay kulankan ayaa sheegay inuuna doonayn in uu sabab u noqdo in ciyaarta laga saaro Pepe. Muller ayaa 8 gool dhaliyay todobadii kulan ee koob aduun ee ugu danbeeyay ee uu ciyaaro wuxuuna hore u sheegay inuu difaacan doono kabta dahabka ah ee uu ku guulaystay sanadkii 2010.
Intaa kadib Portugal ayaa ciyaarta ku dhamaysatay 10 ciyaartoy waxayna awoodi waayeen inay shabaga hal mar soo taabtaan iyadoo kulankuna ku soo idlaaday 4:0.
Muller ayaa yidhi: “Waxaan rajaynayaa inaan dhacadadii dib u daawado waxanan rajaynayaa inaan caadi ahaa waxaanan la dhacay markii hore gacantii uu igu dhuftay laakiin wixii markii danbe dhacay anigu ma xasuusan karo hadii aanu madaxa isku dhufanay iyo hadii kaleba mana doonayo inay wax nacasnimo ah igu noqoto.
‘Madoonaayo inaan wax qiyaano waxaan la dhacay uun dhirbaaxadiisa manaandoonayn inaan saamayn ku yeesho casaanka la siiyay, umanaan ciyaarayn in caadhka guduudan la siiyo.Waxaan leeyahay ilaa 4 sano oo qibrad heer caalami ah, mana ihi nin waxaa looga baqdo.
Muller ayaa goolka kowaad dhaliyay daqiiqadii 12 aad kadib markii uu Joao Pereira qalad ku galay Mario Gotze oo ku jira goobta ka caagan qaladka wuxuuna saddexlaydiisa dhamaystirtay daqiiqadii 78 aad markii uu Andre Schurrle baas ka helay.
‘Inaad Saddexlay dhalisaa kulanka kowaad waa wax wayn oo xasuusleh goolkastaana wuu ka qurux badnaa kii hore”.