Obama Oo Ciyaartii Maraykanka Iyo Germany Diyaarada Ku Dhax Daawaday

Obama Oo Ciyaartii Maraykanka Iyo Germany Diyaarada Ku Dhax Daawaday

UBAAMA

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama, ayaa muujiyay sida uu Koobka Aduunka muhiimad weyn ugu leeyahay Dalkiisa Mareeykanka, waxaana lasoo bandhigay Sawirada asigoo Diyaarad dhexdeeda ku daawanaya Ciyaartii xulka Maraykanka iyo Germany dhex martay, iyadoo Maraykanka loogu awood sheegtay 1-0 waloow ay kusoo baxeen kaalinta 2aad. Obama oo ka soo duulay Maryland kuna sii jeeday Minnesota, ayaa diyaarada dhexdeeda ku daawanayay ciyaarta, asigoo taageere u muujinayay Xulka Mareeykanka. Germany ayaa gool aan jawaab laheyn kaga badisay USA, iyadoo dhibcaheeda kadhigatay todobo, halka USA ay ku istaagtay afar dhibcood, goolka qura ee kulanka laga dhaliyey waxaa daqiiqadii 55aad Germany udhaliyey Thomas Muller, xiddiga Bayern Munich ayaa kuceliyey kubad uusoo beeniyey goolhayeha USA. Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay goolkaas uu dhaliyey Muller, dhanka kale Portugal ayaa garaacday Ghana, ciyaar qaladaad badan ay sameeyeen xiddigaha Ghana waxaa garaabay oo ka faaidaystay laacibiinta xulka Portugal.