Paul Scholes: “Suarez Wuxuu Sharaf Dhac Ku Riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa!!”

Paul Scholes: “Suarez Wuxuu Sharaf Dhac Ku Riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa!!”

POUL

Paul Scholes ayaa si toos ah u weeraray falkii waalida ahaa ee uu Luis Suarez ku kacay waayo xiddigan markale qaniinyadii uu ku caan baxay ayuu soo celiyay isagoo garanka ka qaniinay difaaca xulka Italy Giorgio Chiellini hadaba falkan aduunyada oo idil ayaa la yaabtay waxaana si aan xishood ku jirin uga hadlay halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Man United Giorgio Chiellini wuxuuna yidhi “Nasiib xumo Suarez wuxuu sharaf dhac ku riday Wadankiisa, Kooxdiisa Iyo Qoyskiisa waxaan odhan karaa waa fal isaga xitaa uu is ceebsan doono inkastoo ay tahay markii saddexaad ee uu si waali ah ciyaartooyda u qaniinayo!” Maadaama Luis Suarez uu haatan ka mid yahay xiddigaha aduunka ugu wanaagsan wuxuu Paul Scholes sheegay in xiddigan hada kadib wanaagiisa lagu xasuusan doonin wuxuuna yidhi “waa hubaal in hadaba kadib Suarez lagu xasuusan doono xumaantiisa inkastoo uu yahay laacib aad u wanaagsan hadana waxa uu sameeyay waa fal kubada cagta ka baxsan mana ka hari doono falkan noloshiisa oo dhan!” Ugu dambeyntii Scholes wuxuu soo jeediyay in weeraryahanka kooxda Liverpool gabi ahaanba cayaaraha aduunka inta ka harsan laga ganaaxo wuxuuna yidhi “waa in la ganaaxaa inta ka hadhsan koobka aduunka balse intaas kuma filno waa in ciqaab adag la saaro aana ka warsugno go’aanta ay FIFA arintan ka soo saarto”