Prof. Samatar Oo Uga Digay Shacabka Burburka Ka Iman-kara Siyaasiga Wax Ku Doona Hab Qabiil, Kana Hadlay Khilaafka KULMIYE

Prof. Samatar Oo Uga Digay Shacabka Burburka Ka Iman-kara Siyaasiga Wax Ku Doona Hab Qabiil, Kana Hadlay Khilaafka KULMIYE

Pr SAmater

Nairobi, 06 June 2014 (Salaanmedia.com)- Prof. Axmed Ismaaciil Samater, oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbaha ku nool, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu uga digay shacabka reer Somaliland ka digtoonadaan Siyaasiyiinta ku celinaaya habka qaabiilka oo uu sheegay inay sababi karto in burbur iyo nacayb ku keento wixii 20-ka sanno dhisayeen ummadda reer Somaliland. Prof. Ismaaciil Samatar oo xalay dalka Nairobi ugu waramayay Tv-ga Somali Chanal waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland uu siweyn u soo bartay waxaanu yidhi, “Dadka reer Somaliland ee gudaha jooga aad ayaanu isu-baranay, markaa wixii aan ku arkay Somalialnd aad ayaan ugu farxay. Siweyn ayaan u soo bartay dadka reer Somaliland ee dibadda jooga iyo ardayda dhigata jaamacadaha dalka gudihiisa iyo madaxda iyo Salaadiinta waxbadan ayaa dalkaas laga qaabtay. Waddan gooni u baxay ayuu noqday. Waxay jeclaysteen in buuqa iyo qaylada ku jira Soomaalida kale ay dibadda uga baxaan oo waddankoodii ay dib u soo dhistaan, waxaana ku soo arkay raad dawladeed , nabadgelyo iyo raad dimuqoraadiyad oo meel walba yaala. Sharuuc la dhigtay oo ay ka mid yihii doorashooyinka la qabtay iyo kuwa soo socda. Somaliland waxaan filayaa maanta waa meesha ugu ladan ee Soomaali ku nooshahay. Anigu Somaliland waan aqoonsanahay, waxaana ka tegay Siyaasadii taalay Muqdisho. Siyaasadda taala Muqdisho waxay noqotay mid urtay oo qudhuntay oo aan rajo lahayn ayay noqotay. Meel danaha iyo arrin Soomaaliyeed lagaga hadlayana anigu kumaan soo arrag Muqdisho, markaa Hargeysa waxaan ku soo arkay waxdhaama iyo mustaqbal dhaama. Calankii la sitay ee Soomaliweynta ahaana wuxuu noqday calan beenoobay, markaa aniga taas ayaa iga kaxay arrintaas.” Prof. Samatar waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka dhex-taagan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE. “Anigu ma qabo inay tahay arrin sidaas u weyn wax iska caadiya oo ka dhaca asxaabta dunidana weeye meeshii xisbi dhab ihi ka dhisan yahay. Immika Muqdisho asxaabi ma jirto oo qabiil walba meel ayuu ordayaa, laakiin-se xisbiga KULMIYE dee tartan ayaa gudihiisa ka dhaxeeya, waxaana loo tartamayaa dadka xisbiga musharaxnimada u noqonaaya. Madaxweynihii sida dimuqoraadiga ah loo doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dad badan ayaa riixaaya inuu soo noqdo, waxaana filayaa in isaguna ku dhawaaqay inuu mar labaad sharaxan yahay dastuurkuna wuu u banaynayaa oo laba goor ayaad soo noqonaysaa. Markaa dad ayaa la tartamaaya oo doonaaya inay musharax noqdaan, taasina waa caadi oo waxa lagu kala baxayaa golaha dhexe ee xisbiga. Labada xisbi ee waa weyn ee ka jira dalka Maraykankaba waa sidaas oo kale oo tartan ayaa ka dhex-jira oo hami siyaasaddeed ayaa dad badan ku jira, markaa waxaanu filaynaa in xisbigu sida ugu dhakhsaha badan soo saarayo dadka uga qayb-galaaya doorashada,”Ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil samatar. Prof. Samatar oo la weydiiyey Su’aal ahayd madaama Guddida golaha guurtidu ay dhex-gashay khilaafka KULMIYE, qaab noocee ah ayaa lagu xalin-karaa khilaafyada noocon oo kale ah waxa uu ku jawaabay. “Qaabka ugu wannnaagsan waxa weeye qawaaniinta qoran ee xisbigu leeyahay in lagu socdo. Dadku qawaaniinta ay dhigtaan ama dastuur qaran ha noqdee ama qawaaniin xisbi u taala ha noqdee dadka jabiya marka dambe madaxa ayay isku dhufanayaan, waana waxa Soomaali baabi’iyey dad qawaaniinta ay ku heshiyeen ku soconayn weeye. Arrintaasi guddida guurtidu ay galeen waa in xisbigu qawaaniinta xisbigu dhigtay waa inay bannaanka soo dhigaan iyadoo cad.” Prof. samatar, waxa uu sheegay in labada xisbi mucaarid ee ka jira dalka Somaliland ay doonayaan in meesha uu ka baxo xisbiga talada haya ee KULMIYE, isla markaana waxa uu tilmaamay in taasi ay u keenayso taageero badan, waxaanu yidhi, “Labada Xisbi eeUCID iyo WADDANI tartanka ayey ku Jiraan oo mid weliba waxa uu is-leeyahay KULMIYE ha Jabo oo ha kala daato dabadeed labada xisbi ee kale gegidu ha u bannaanato oo xisbi waliba waxa uu doonayaa inuu xisbiga uu la tartamayo daciif iska noqdo.” Waxa kale oo Prof. Samatar uu ka digay haddii la jabiyo qawaaniinta u taala xisbiga KULMIYE oo lagu xaliyo khilaafka KULMIYE qaab qabiil inay sababayso burbur iyo cudur ku cusub bulshada reer Somaliland waxaanu yidhi, “Qawaaniinta u taala xisbiga KULMIYE haddii la jabiyo oo la iska indho-tiro oo cidda musharaxnimada u ardaysaa ay qabiilayso xeerkii u yaalayna halkaas la iska dhigo dhaawac weyn ayay u keenaysaa, wuuna burburayaa xisbigu, ummaddiina waxay ku keenaysaa cudur cusub, taasina waa waddadii baabi’isay Soomaali. Qof walba waa in lagu qanciyaa qawaaniinta u taala xisbiga. Somaliland waxay soo gaadhay meel wannaagsan , markaa haddii asxaabtu maanta kubada ka ciyaari heerkaas sare waxa halkaas ka dhicidoona khasaare weyn. Haddii iyagu isu-tanaasuli wayaan xisbigu wuu kala daadanayaa, waxaanay albaabka u furaysaa asxaabta kale, markaa dadka madaxda u ah xisbiga KULMIYE ayay dani ugu jirtaa in waxaas deg-deg loo dhameeyo oo sharaf ku jirto, lana soo saaro, kadibna ay tartanka ka qayb-galaan, haddii kale ummaddu labadaas xisbi ee kale ha raacdo ayay noqonaysaa.” Sidoo kale, Prof. Samatar waxa uu shacabka reer Somaliland ee gudaha dalka ugu baaqay inay iska ilaaliyaan siyaasiga khatarta ku ah nabadgelyadooda, waxaanu ugu baaqay in dadka caadiga ay dhex-galaan khilaafka, waxaanu yidhi, “Khilaafka haddii aan deg-deg wax looga qaaban waxay keenayaan dhaawac. Ka ugu weynina waa ka siyaasadda. Hunguri Siyaasaddeed oo aan lahayn meel uu ku joogsado mar haddii uu bannaanka u soo baxo wax walba uu dhex-galaa oo wuu baabi-iyaa, marka dambena dadka ayaa isnaca oo is xag-xagta. Markaa Somaliland in halkaas iska ilaaliso oo wixii 20-ka sanno la soo ururinayey ee haggaagsanaa in dadka caadiga ah ay ilaaliyaan oo aanay ogolaan dadka siyaasadda ku murmaaya inay ka kala daadiyaan oo dib u qabiileeyaan oo dan shakhsi qudha ah ay ka socoto maaha ee waa in dadka reer Somaliland ay feejignadaan oo ay dantooda ilaashadaan iyaga oo isku duuban in marnaba dadka siyaasadda ku loolamaaya inay dalkooda nafeeyaan.