Puntland Oo Sheegtay Inay Ka Jawaabeyso Dhaqdhaqaaqyada Somaliland Ee Sool Iyo Sanaag-bari & Ujeeddada Weftigii Xukuumadda Ee Taleex

Puntland Oo Sheegtay Inay Ka Jawaabeyso Dhaqdhaqaaqyada Somaliland Ee Sool Iyo Sanaag-bari & Ujeeddada Weftigii Xukuumadda Ee Taleex

PUNTLAND

Garoowe(Salaanmedia.com)- Maamul Gobolleedka Puntland, ayaa sheegay inay ka jawaabayaan dhaqdhaqaaqyada Maamul Fidineed ee dawladda Somaliland ka waddo deegaanada Koonfurta Sool.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Xaaji Camay oo shalay ka hadlayey Xaflad lagu qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa sidoo kale dacaayadeeyay horumarka ay ku talaabsatay Somaliland mudadii ay gooni isku taagtay.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, oo ugu horeyn ka hadlaya socdaal uu ku maray jidka Wajaale ilaa Garoowe, ayaa yidhi “Bishii October-baan tagay Magaalada Jigjiga, waxaan soo maray laamayda Wajaale, gaadhi Nooha ah ayaan la socday, dadku waxay ahaayeen reer Waqooyi oo kaligaybaa ku jiray, Wajaale ilaa Hargeysa waxa la hadal hayey waxa dalka u kordhay ilaa markii Maxamed Siyaad Barre ka tagay, waxa la isku raacay in burbur iyo dib u dhac u kordhay, laamayda aan marayey waxay ahayd laamay ay samaysay dawladdii dhexe ee Soomaaliya ee burburtay, ka dibna lama taaban, Berbera ayaan soo maray, Burco ayaan soo gelay ilaa Garoowe meella waxba lagama qaban, waa laga yaabaa inay guryuhu kordheen, laakiin wax horumar ah, markaa ummada kaligeed u hanqal taageysa inay kaligeed wax noqoto, waxaan doonayaa naan u sheego waxba noqon mayso. Waxaan ummada Soomaaliyeed leeyahay waxay inoogu badisaa midnimada, taasi ayaynu horumar, caddaalad, Magac iyo sharafba ku helaynaa”

Mr. Camay waxa kale oo uu sheegay inay ka jawaabayaan dhaqdhaqaaqyada Milatari ee Somaliland ee gobollada Sool iyo Sanaag bari “Waxaan umadda reer Puntland ee nabadda jecel horteeda ka sheegayaa; wey qeexan tahay siyaasadda Puntland ee ku aadan gobolada Sool, Sanaag, Ceyn iyo sanaag, Mana cambaareynayo laakiin waxaan idin sheegayaa waan ka badheedhaynaa oo waxaan uga badheedhaynaa sidii uu Madaxweyne Cabdiweli markuu Musharaxa ahaa ku hadlay ee ahayd inaan duco lagu qabsan ducana lagaga kacayn, markaa badheedhkeenu waxaa weeye dadkii iyo dalkii waan ku noqonayna si cad baan ku noqonayna”ayuu yidhi.

Hasa-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo xukuumaddu u dirtay degmada Taleex, ayaa sheegay inay halkaasi u tageen maamul fidin iyo sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaanadaasi “Waxaanu Xoojinaynaa Amaanka Iyo Nabadgelyada, Sidoo Kalena Waxaanu Hirgalinayna Mashaariic Horumarineed Oo Kor U Qaada Xaaladda Dhaqan Dhaqaale Ee Bulshada”ayuu yidhi, Wasiirka oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook, waxaanu intaasi raaciyey “Maamul Fidinta iyo Xoojinta Is-dhex galka Bulshadu waa Furaha Nolol Guul badan”