Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Midowga Africa. (Salaanmedia.com) Ra’isal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wagfdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galays shirweynaha 23-aad ee madaxda Midowga Africa oo maanta ka furmay magaaladda Malabo ee dalka Equatorial Guinea. Shirkaan oo ay goob joog ka yihiin madaxda badan oo kala socoto qaaradda Africa, ayaa sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo amniga cunnada, iyadoo looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka loogu jiro kor-u-qaadidda wax soo saarka beeraha. Madaxdu wadamada Africa, ayaa la hordhigi doonaa qorshe la doonayo in looga hortago faqriga, ka hortagga cunna xumida iyadoo loo marayo isbadallo cusub oo lagu sameeyo wax soo saarka beeraha, abuuritaanka iyo xoojinta xiriirka ururada beeralayda ah. Ra’isal wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabanayso dhibaatooyinkii horay u gaaray, ayna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qorshaha ugu jiraan sidii dib loogu soo noolayn lahaa wax soo saarka beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka , loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaaqo la´aanta. Madaxda Africa ee kulanka ka qayb galay ayaa ka hadli doono dhiirigalinta iyo suuq-gaynta wax soo saarka beeraha, kobcinta aqoonta iyo xirfadda ay u baahan yihiin beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada. Shirka AU ee ka socda magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si weyn loogu ammaanay horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyadda nabadaynta beelaha Soomaaliyeed, dhismaha dawladnimo Soomaaliyeed, dhismaha nidaamka federaalka iyo hannaan loo wada dhan yahay in looga qaybgalo siyaasadda

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Midowga Africa.

RRISAL WWAS

(Salaanmedia.com) Ra’isal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wagfdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galays shirweynaha 23-aad ee madaxda Midowga Africa oo maanta ka furmay magaaladda Malabo ee dalka Equatorial Guinea.

Shirkaan oo ay goob joog ka yihiin madaxda badan oo kala socoto qaaradda Africa, ayaa sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo amniga cunnada, iyadoo looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka loogu jiro kor-u-qaadidda wax soo saarka beeraha.

Madaxdu wadamada Africa, ayaa la hordhigi doonaa qorshe la doonayo in looga hortago faqriga, ka hortagga cunna xumida iyadoo loo marayo isbadallo cusub oo lagu sameeyo wax soo saarka beeraha, abuuritaanka iyo xoojinta xiriirka ururada beeralayda ah.

Ra’isal wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabanayso dhibaatooyinkii horay u gaaray, ayna madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed ay qorshaha ugu jiraan sidii dib loogu soo noolayn lahaa wax soo saarka beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka , loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaaqo la´aanta.

Madaxda Africa ee kulanka ka qayb galay ayaa ka hadli doono dhiirigalinta iyo suuq-gaynta wax soo saarka beeraha, kobcinta aqoonta iyo xirfadda ay u baahan yihiin beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada.

Shirka AU ee ka socda magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si weyn loogu ammaanay horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyadda nabadaynta beelaha Soomaaliyeed, dhismaha dawladnimo Soomaaliyeed, dhismaha nidaamka federaalka iyo hannaan loo wada dhan yahay in looga qaybgalo siyaasadda