Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaaday In Qaadku Mamnuuc Ka Yahay Gebi Ahaanba Britain

Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Oo Shaaca Ka Qaaday In Qaadku Mamnuuc Ka Yahay Gebi Ahaanba Britain

Raisal Was Uk

Burao(Salaanmedia.com)Raysul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa sheegay in laga billaabo 24 –ka Juun ee sannadkan oo Shalay ku beegan, qof kasta oo British ah oo hanatay ama keena qaad wuxuu jabiya sharciga.

Go’aanka dowladda Britain ee lagu joojinayo jaad oo daroogo loo aqoonsaday in uu yahay daroogada ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka badan oo Ingiriiska ku nool, gaar ahaan kuwa ragoodii, wiilashoodii, aabayaalkood iyo walaalahoo ay is-timaali jireen jaadka. Iyadoo dowladda Britain lagu boorrinayay inay tallaabadan qaaddo muddo sannado ah, laakiin maanta ayuu hirgalay.Waxaana doonayaa in aan u sheego akhristayaasha saddexda arrimood oo nagu kallifay inaan qaadno tallaabadan.

Ugu horreyn, waa naga saaran waajib in la ilaaliyo xubnaha nugul ee bulshada. Sidaa daraadeed maandooyaha qaadka waa ka mamnuuc dalkan. Waxaana u haysannaa sababaha wanaagsan ee aan tallaabadan u qaadnay inay tahay inuu jaadku dhibaato ku hayay caafimaadka bulshada.

Laakiin waxaa ugu badan ee ku saabsan saameynta bulshadeed ee qaadka; Iiyadoo laga yaabo in loo isticmaalo munaasabadaha gaarka ah dalalka qaarkood sida Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, waxaana lagu qiyaasay in ku dhow kala bar Soomaalida ku nool Britain inay ruugaan qaadka, iyo in mid ka mid ah tobankii nin uu maalin walba cuno jaadka; mararka qaarkoodna uu waqtigiisa oo dhan ku dhameeyo qaadka. Sidaas darteed, bulshooyinka waxay ku eedeeyeen qaadka in uu sababo burburka qoysaska, shaqo la’aanta, deynta iyo dembiyo la xiriirato ka ganacsiga daroogada caalamiga ah. Taasina waa sababta ay bulshooyinkasas iyo dowladda Britain ay ku yiraahdeen intaas ayaa nagu filan.

Tani waxay muujinaysaa inay dowladda oo u daneynaysa bulshada Soomaalida ah ee dalkan ku nool inay go’aankan qaadatay. Waxaan wadanaa dadaal aan ku dhisanayso Soomaaliya, iyadoo barnaamijka gargaarka aan ku bixinno 80 milyan oo Pound taasoo lagu quudinayo carruurta macluuli ah ku habsatay iyo abuurida shaqooyinka. Waxaan qabannay laba shirar oo aan dunida oo dhan isugu keenay si ay uga qaybqaataan hannaanka dib u dhiska dalka. Waxaan ku guuleysannay in aan hakinno falalkii burcadbadeedda; waana sii wadaynaa si wax looga qabto kooxaha argagaxisada ah. Waxaan dhinaca istaagay dadka Soomaaliyeed intii ay dalka ka jirtay macaluushii 201-kii, tallaalidda carruurta iyo inaan dadka siinno biyo nadiif ah oo ay cabaan. Haatan waxaan maqlay aragtida badan oo British oo Soomaali ah oo naga codsatay inay u dhaqmaan arrinta qaadka.

Marka labaad, waxaan rumeysanahay waajib naga saaran siyaasiyihiin ahaan in dadka la caawiyo si ay u helaan nolol wanaagsan. Taasi waa mabda ‘a xisbiga muxaafidka ah, in dadka qabtaan shaqooyin wanaagsan si ay u yeeshaan awood iyo inaan wax walba u sameynno sida; shaqooyin la abuuro, waxbarashada oo la wanaajiyo, cashuuraha oo la yareeyo – waana kuwo xoojinaya sidii aan guul uga gaari lahayn in la caawiyo dadka. Laakiin dad badan oo jaadka cuna ayaa illaa habeenkii fadhiya, kuwaasoo aan awoodin inay shaqeeyaan maalintii iyo inay ku xayirnaadaan goobta ay ku jiraan, waana kuwo ka qaybgala ciyaaraha ay qaybo bulshada ka mid ah sameystaan.

Dabcan, waxaa jiray qaar ka mid ah kuwaas oo noo sheegay inaanay ahayn inay dowladdu faraha la gasho arrintan oo ah ganacsiga. Waxaan aaminsanahay inay qaldan yihiin yihiin; sababtoo ah waxay difaacayaan wax halis ku ah dadka iyo qoysaskooda, si kastaba ha ahaatee waa koox yar oo iyaga iyo wax walba oo ay wadaan aan meel ku lahayn Britain.

Arrinta saddexaad waa, dalkan waa mid qaadka la keeni jiray caasimaddiisa marka la eego Yurub. Waddamada qaaradda oo dhanna horay ayay daroogadan u mamnuuceen, sidoo kale Ameerka iyo Kanada. bishii lasoo dhaafay warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa in dalalkaas ay sheegay in qalalka uu ku sii kordhayo ganacsatada qaadka ee Itoobiya iyo Kenya. Britain waa qayb ka mid ah kuwaas waxaana doonaynaa in la joojiyo.

Saddexaad arrimood ayaa sabab u ah inaan joojinno qaadka. Ujeeddadna waa in dowladda ay dadka siiyaan ammaanka iyo nabad maskaxeed ay si nolshooda ay uga fikiraan. Daroogada oo laga nadiifiyo waddooyinkeenna iyo iyo inay dadku helaan nolol waa midda ugu muhiimsan oo aan sidaas ku sameynay.
Sidaasi Ayu Idhigna Qoraal Uu Arintaasi Qaadka kasoo Saaray Masuulkani.

Salaanmedia/Hargaysa