Roberto Carlos Oo markii Ugu horreysay Ka hadlay Ciyaaryahanada Xulkiisa iyo Guulaha Shacabku ka sugayaan Qarankooda

Roberto Carlos Oo markii Ugu horreysay Ka hadlay Ciyaaryahanada Xulkiisa iyo Guulaha Shacabku ka sugayaan Qarankooda

Reperto carlos

Difaacii hore ee xulka Brazil caana ku ahaa booska saddexaad ee garabka ah Roberto Carlos ayaa ka hadlay sida uu u arko ciyaaryahanada xulkiisa ee ka qayb galaya koobka aduunka iyo guulaha ay shacabkiisa Brazil ka sugayaan in ay qaadaan koobkoodii lixaad ayaa waxaa uu aad u amaanay dhamaan mid kasta oo ka mid ah 23-xiddig ee uu soo xushay macalin Felipe Scolari kaasi oo ku tilmaamay macalinka ugu wanaagsan adduunka. Carlos oo la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha dalka Spain ayaa waxaa uu sheegay in ay meesha ka maqan tahay khibrad la’aan haysata xiddigaha qaar balse ay muhiim ahaan lahayd in lagu kabo ciyaaryahano kale si ay si wada jir ah talaabada u wada qaadaan laakiin kooxda ay tahay xulasho hal meel uun laga eegay. Si kastaba Roberto Carlos oo sii wata waraysigii ay la yeesheen Radio Alkadina Coupe oo ku yaala Spain ayaa waxaa uu sheegay in macalin Scolari ay wanaagsanayd in uu jaanis ama fursad kale siiyo xiddigaha waayo-araga ah uu ka soo tagay kuwaasi oo wax badan ka badali lahaa qaab ciyaareedka aan ilaa hada la fahmin ee uu ciyaarayo sida uu hadalka u dhigay.