Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Jabuuti iyo kuwa Ajanabi ah oo baadhay qaabka Baanka Dhexe ee Hargeysa iyo Xawaaladuhu u shaqeeyaan

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Jabuuti iyo kuwa Ajanabi ah oo baadhay qaabka Baanka Dhexe ee Hargeysa iyo Xawaaladuhu u shaqeeyaan

Baanka Dhexe

Hargeysa(Salaanmedia.com) Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Jabuuti iyo kuwo Ajanabi ah oo baadhitaan ku wada qaraxii dalka jabuuti dhawaan ka dhacay ayaa baadhitaan kuwada lacago kooxdii qaraxa fulisay ee ka talowday Somaliland ay isticmaali jireen mudadii ay hawlgalkoodaas diyaarinayeen.

Ciidamadda RRU-da ayaa galay goor barqo ahayd xawaaladda Jubba oo ay qabteen mid ka mid ah shaqaalaha xawaaladaasi oo lala xidhiidhiyey in uu lug ku lahaa kooxda qaraxaas geysatay, kaasoo imika loo gacan galiyey Dalka Jabuuti.

Tan iyo markii qaraxaasi dhacay ee ay soo baxeen wararka la xidhiidha inay labada qof ee is-qarxiyey ka tageen hargeysa waxa isa soo taray hawl-galo sirdoon oo lagu baadi goobayo xogo faahfaahsan oo la xidhiidha qaabka ay ugu suurtogashay labadii qof ee is-qarxiyey inay hawl-galkaas u fuliyaan si sahlan, waxaana markii ugu horaysay ee la xaqiijiyey warkooda ay ku dhawaaqeen labada Dawladood ee Somaliland iyo jabuuti inay iskaashi ka samaynayaan baadhitaanka dhacdadaasi.

Qof goob jooge ahaa ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in saraakiil Sirdoon oo ka socda dalalka Jabuuti iyo kuwa ajanabi ahi booqdeen Baanka Dhexe ee Somaliland, kaasoo ay ka sameeyeen xog ururin la xidhiidha qaabka uu baanku u shaqeeyo iyo sida ay ula socdaan lacagaha Xawaaladaha ee Dalka ka shaqeeya.

Kooxdan oo ahayd khubaro ku xeel dheer qaabka ay bangiyada iyo xawaaladuhu u shaqeeyaan ayaan laga war hayn waxa ay kala kulmeen Baanka Dhexe maadaama Baanka Dhexe ee Somaliland yahay mid u shaqeeya qaab Khasnadeed oo inta badan ay isticmaasho xukuumadda oo kali ahi.

Si aanu wax uga ogaano warkan waxa ay Farriinnews.com la xidhiidhay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe C/laahi Xasan, hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo, waxaanu si kooban ugu jawaabay war kama hayo waxa aad I weydiinaysaan, iyada oo laba su’aalood oo la weydiiyey ay kala ahaayeen halka ay marayso Guddi ay Xukuumaddu u saartay la socodka Shaqada Xawaaladaha iyo wax aka jira Sirdoonka la sheegayo inay baanka waraysteen.

Xukuumadda Somaliland ayaa sanadkii hore aas aastay guddi wadajir ah oo ka kooban saddex hay’adood oo kala ah baanka Dhexe, Sirdoonka iyo Xeer ilaalinta guud kuwaas oo laga soo xulay saddex qof oo ka shaqeeya nidaamka iyo dabagalka qaabka ay lacaga Somaliland soo gala u dhex maraan Xawaaladaha.

Guddidaasi lama oga illaa hada inay shaqayso iyo haddiiba ay shaqayso waxa ka soo baxay kulamada iyo hawlaha ay ka qabatay shaqada loo igmaday, maadaama dunida maanta ay ka jiraan cabsiyo badan oo lala xidhiidhiyo lacagaha la isku diraa saamaynta ay ku yeeshaan Amaanka dunida.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa dhawaan ka qayb galay shir muhiim ah oo lagaga hadlayey qaabka ay lacagaha Sharci darada ahi uga shaqeeyaan afrika kaasoo ka dhacay magaaladda bahar-daar isla markaana ay ka soo qayb galeen madaxda dalal badan oo Afrika ah kaasoo sanadkiiba mar la qabto.

Si kasta ha ahaatee, baadhitaanka Sirdoonada Dalalka JABUUTI iyo kuwa Reer Galbeedku ku wadaan lacagihii ay isticmaaleen labadii qof ee isku qarxiyey Jabuuti, oo uu raadkoodu galay mid ka mid ah shaqaalaha Xawaalada JUBBA EXPRESS waxa uu saamayn ku yeelan karaa culayskii marka horeba xawaaladaha Somalida ka haystay sharuucda ay dunidu ka xadiday lacaga la isku diro oo ay Somalidu dan badan ku qabto