Shalay: Badheedhihii Qorshaha Madaxweyne Siilaanyo Ee Caalamka ,Baaqii Shir-guddoonka iyo Bayaanka xisbiyada Oo Is Waafaqay

Shalay: Badheedhihii Qorshaha Madaxweyne Siilaanyo Ee Caalamka ,Baaqii Shir-guddoonka iyo Bayaanka xisbiyada Oo Is Waafaqay

Badheedhihi Shalay

Hargeysa, 17 June 2014 (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay kulan balaadhan oo wada tashi ahaa la qaatay, Shir-guddoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Madaxda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI IYO KULMIYE. Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno ka tirsan golaha Wasiiradda, Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorshaha ay xukuumadu doonayso inay ku difaacdo jiritaanka qaranka iyo ilaalinta xuduudihiisa. Isla markaana saddexda xisbi qaran iyo shir-guddoonka labada goleba si buuxda ayay u taageereen qorshahaa. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), khudbad kooban oo uu halkaas ka jeediyay waxa uu ku yidhi, “Maanta, kulanka aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay, in aynu mawqifkeenna Qaran ahaan iyo Ummad ahaan-ba u caddayno Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo danaynaysa. Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo degganaanashaha mandaqadda oo aannu aamminsannahay in ay cid walba dani ugu jirto. Waxaanu kor iyo hoosba u sheegaynaa in ay qaddiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, Xisbiyo, Baarlamaan iyo shacibba in aannu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland. Waddamada aannu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaanu jecelahay in aannu nabad ku wada noollaanno, mana oggolin faro-gelin dibaddeed mid siyaasaddeed iyo mid Millateri toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah.

Shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad ka jeediyay kulankaa wada tashiga ahaa. “Kullankan Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland uu maanta isugu keen yeedhay, madaxdii dalka iyo axsaabta qaranka Somaliland, loogana xog-waramay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan xaalada ka taagan Sool, Waxa uu qaranka uu hoggaaminayo Madaxweynuhu uu qaatay mawqif isku mid ah oo ah in xukuumadda iyo ciidamada qaranka lagu taageero difaacida qaranka jamhuuriyada Somaliland. Qaranka Somaliland isaga ayaa ka masuula maamulka dalkiisa, ilaalinta xuduudihiisa iyo ilaalinta xaquuqda shacbigiisa.”Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md. Cirro.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray oo uu ugu baaqay shacabka difaacaan dalkooda.“Mawqifkaas Madaxweynuhu akhriyay waa ka aanu wada qaadanay, waana ku taageersa nahay. Shacbigana waxaa u soo jeedinayaa inay ammaanka dalkooda ilaashadaan, midnimada qarankoodana difaacaan.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Geesta kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur), ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo dawladiisuba ku khasban yihiin inay difaacaan xuduudaha iyo qaranimada Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay in qaranku yahay mid, Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo.

“Qaranku waa mid, waxaana hoggaaminaya Madaxweynaha, Intaa uu madaxweynuhu yidhi ayey ku dhan tahay,madax kale iyo qaran ahaana intaas ayaanu ku raacsanahay,intaas ayaa madaxweynaha iyo dawladiisa lagu wada garab-taagan yahay, wixii loo baahdana dad iyo duunyaba waa noo diyaar, in xuduudaha qaranka la sugo. Waxaanu maqleynaa Ciidamo ayaa soo galay xuduuda dal kale ka yimi, markaa way ku khasban yihiin Madaxweynaha iyo dawladiisuba iyo gidigeen-ba in aynu difaacno,maaha inaanu nidhaahno waanu idin garab taaganay, waxa weeyaan Madaxweyne nagu hoggaami, intaas aad tidhi (Madaxweyne Siilaanyo) ayuun baanu anaguna fulinaynaa oo aan idinla qabanaynaa.”sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha golaha guurtida oo kulankaa wada tashiga ahaa ka hadlay.

Salaanmedia/Hargaysa