Shalay: Nuxurka Wada Hadalkii Lagu Kala Kacay Ee Dhexmarey Madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi Iyo Xubnaha Kale Ee Hogaanka KULMIYE.

Shalay: Nuxurka Wada Hadalkii Lagu Kala Kacay Ee Dhexmarey Madaxweyne Siilaanyo, Muuse Biixi Iyo Xubnaha Kale Ee Hogaanka KULMIYE.

Biixi Iyo SIIL

Hargeysa, 25 June 2014 (Salaanmedia.com)- Khilaafkii Xisbiga KULMIYE oo u muuqday mid xanaftiisu dhamaatay maalmihii u danbeeyey, kadib markii uu Muuse Biixi ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay murrashaxnimadii,ayaa haatan mar kale dhinbiishiisu hurtay, isla markaana waxa lagu kala kacay shir shalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Somaliland, oo ajendihiisu ku saabsanaa xiliga la qabanayo shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Shirkii Baaqday. Ka hor kulankii shalay, waxa la sheegay inuu madaxweynuhu isugu yeedhay hogaanka Xisbiga habeenkii Salaasadu soo galeysay.Hasa yeeshe sida ay tibaaxeen xogo aanu ka soo xiganay ilo ku dhadhow madaxtooyadu, kulankaas waxa yimid Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Xisbiga Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo),Guddoomiye ku xigeenka 3aad Cabdiraxmaan Talyanle, Guddoomiye ku xigeenka 4aad, ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Xasan Siciid Yuusuf iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo isagu lahaa u yeedhista hoggaanka. Hase ahaate, kulankii qorsheysnaa habeenkaas waxa ka maqnaaday oo aan imanin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,Guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed, iyo Guddoomiyihii Golihii dhexe ee xilkiisu dhamaaday Jaamac Shabeel oo qorshuhu yahay in ciddii bedelo lahayd lagu soo doorto shirka Golaha dhexe ama isaga dib loogu cusbooneysiiyo. Xogaha Wargeyska Ogaal soo gaadhay waxay tibaaxeen, in kulankaa ajendihiisu ahaa, dib u dhigista xiliga la qabanayo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga,kaas oo sharcigu dhigayo in lagu qabto bil gudaheed, laga bilaabo maalinta shirgudoonka shirweynaha Xisbigu uu ku dhawaaqo natiijada shirweynaha, taas marka loo eegana wakhtigii kama danbeysta ahaa ee sharciga ahaa waxa uu ku ekaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 24 June 2014. Kulankii Shalay Sidey sheegeen xogo aanu ka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola labada dhinac, shalay waxa tagay xarunta madaxtooyada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxa la sheegay inuu la socday Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir).Wararku waxay intaasi ku dareen in labadaa masuul ay u galeen Madaxweynaha,daqiiqado kadibna waxa goobtii ay fadhiyeen Madaxweynaha iyo labada masuul, soo galay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga Waabeeyo,Guddoomiye ku xigeenka 3aad Talyanle iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Xasan Siciid Yuusuf, kuwaas oo la sheegay inay marka horeba ku sii sugnaayeen xarunta Madaxtooyada oo ay sugayeen imaatinka xubnaha kale ee Xisbiga. Laakin sida ay xogahaasi tibaaxeen waxa aan goobtaa ka soo xaadirin Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed oo khilaafka Xisbiga dhexdiisa isku jaal yihiin Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi. Sida ay sheegeen xogaha naga soo gaadhay kulankaas, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu soo jeediyey, maadaama wakhtigii sharciga ahaa ee shirka Golaha dhexe la qaban lahaa gabaabsi yahay, in dib loo dhigo xiliga uu dhacayo shirku, isla markaana loo mudeeyo xili ka danbeeya bisha Ramadaan. Warku waxa uu intaa ku daray in Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi uu diidmo kaga jawaabay soo jeedinta Madaxweynaha, isla markaana uu sheegay inay jiraan waxyaabo ka horeeya in laga wada hadlo qabashada shirka Golaha dhexe iyo xiliga la qabanayo. “Axmadoow ma wada hadalnaa, ma heshiina horta…..”Ereyadaa ayey xoguhu tibaaxeen inay ka mid ahaayeen jawaabtii Guddoomiyaha. Siday tibaaxeen ilahaasi, Muuse Biixi hadalka uu kaga jawaabay soo jeedinta Madaxweynuhu,waxa uu muujinayey inaanu weli jirin heshiis rasmi ah oo laga gaadhay Khilaafka KULMIYE, isla markaana aanu xaq u arkeynin go’aankii Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud odeyga ka ahaa, kaas oo uu ku tilmaamay hiil isaga dhan ka ahaa. Sidaa awadeed waxa la sheegay in Muuse Biixi uu ku dooday inay qabashada shirka ay ka horeeyaan dhameynta khilaafka.Hasa yeeshe, Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu su’aal dib ugu celiyey Guddoomiyaha, taas oo la sheegay inuu nuxurkeedu ahaa, khilaafkii miyaanu dhamaan, Guddoomiyuhuna sida la sheegay uu dhiniciisa kaga jawaabay, halkee buu ku dhamaaday. Inkasta oo xogahaasi ay soo baxeen hadana, Madaxweynaha,Guddoomiyaha iyo xubnihii kale ee shirkaa ka qeybgalay, midna si toos ah ugamuu hadal, warna kamey soo saarin kulankaa.Laakin siday iftiiminayaan xogo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhadhow labada dhinac, intaa markii ay is-weydaarsadeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu, kadib waxa hadalka qaatay Guddoomiyaha 2aad ee Xisbiga Waabeeyo, kaas oo la sheegay inuu soo jeediyey,haddii la doonayo inuu dhamaado Khilaafka Xisbiga KULMIYE oo aanu mar danbe khilaaf dhexdiisa ahi soo noqon, in Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi xilka Guddoomiyenimo lagaga qaado shirka Golaha dhexe. Xoguhu waxay intaa ku dareen,in Waabeeyo ku dooday in Muuse yahay furaha khilaafka inta uu joogana aanu khilaafku dhamaaneyn. Weedhihii dhadhankaa xanbaarsanaa ee ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka labaad, kadib waxa la sheegay Guddoomiyaha Xisbigu iyo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ay is weydaarsadeen weedho macnahoodu u dhacayey, Ma aniga ayaad leedahay xilka ha laga qaado, “Iyo Haa, adigu qof-baad ka tahay hogaanka Xisbiga”. Warku wuxuu intaa ku darey,in markaa kadib uu Muuse Biixi ku hanjabay inuu is-casilayo,dabadeedna waxa la sheegay in isaga oo cadheysan uu Muuse ka baxay madashii ay ku wada hadlayeen masuuliyiintaasi. Maxamuud Jaamac Sifir ayaa la sheegay isna dhiniciisa intii doodadahaasi socdeen, ee uu Muusena uu fadhiyey madasha, inuu isku dayey odayeyn, dhowr goorna codsadey in loo faq daayo Madaxweynaha, Guddoomiyaha iyo isagu, hasa yeeshe qorshe uu la socdeyba taasi may suuragelin. Inkasta oo aanu la xidhiidhnay dhinacyada kulankaa ka qeybgalay, si aanu wax uga weydiino xaqiiqada xogahaa ku saabsan shirkaa, hadana noomey suuragelin inaanu ku helno khadka isgaadhsiinta Telefoonka. “Anigu maan joogin ee 2:00 duhurnimo (Shalay) ayaan maqlay shirka, markaa aniga iyo Maxamed Kaahin waanu ka maqneyn, Muuse oo kaliya ayaa shirka joogay. Shirkan maantana waxa uu ku saabsanaana ma hayo weli” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel oo aanu khadka telefoonka wax kaga weydiiney waxa uu ka ogaa kulaankaa. Shirkaa Kadib. Siday sheegeen xogaha na soo gaadhay, kadib markii Muuse Biixi ka baxay shirkaa, waxa dib u fadhiistay xubnaha kale ee hogaanka Xisbiga ee ka qeybgalay kulankaa, kuwaas oo kala ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2aad Waabeeyo, Guddoomiye Ku xigeenka 3aad Talyanle, iyo Xoghayaha Guud Xasan Siciid.Isla markaana waxa ka maqnaa Guddoomiye kuxigeenka 4aad, ahna Madaxweyne Kuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici, oo la sheegay inuu hawl ku maqnaa, balse la mabda’ah xubnahaas oo ku raacsan waxay soo saareen. Xubnahani waxay soo saareen Warsaxafadeed kooban oo ay dib ugu dhigeen muddo bil ah qabashada shirka Golaha dhexe ee Xisbiga, kaas oo ay u mudeeyeen inuu qabsoomo 05/08/2014-ka. War saxafadeed kooban oo kulankaa ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud Xasan Siciid, waxa uu u dhigaa sidan “Shir uu isugu yeedhay maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2014 Madaxweynaha Somaliland Xubnaha Golaha Hoggaanka Xisbiga, kagana codsaday in shirkii Golaha Dhexe ee mudadiisu ku ekayd maanta oo ah 24/06/2014 dib loo dhigay muddada lagu jiro Bisha Ramadaan. Sidaas darteed,Xubnaha Hoggaanka oo ay intooda baddani Joogeen (Majority),waxay ka aqbaleen madaxweynaha codsigaas isaga ah. Waxaanay go’aamiyeen in shirka dib loo dhigo illaa inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan, lana qaban doono 05/08/2014.” Gunaanad. Go’aankan dib u dhigista shirku ee ay isku raacsan yihiin inta baddan xubnaha hogaanka Xisbigu,waxa uu muujinayaa heerka uu khilaafku gaadhsiisan yahay, isla markaana waxa gebi ahaanba meesha ka baxaya, xusuusta dhoola cadeyntii, ammaantii, iyo is-marxabeyntii Hadhimo sharafeedkii Isniintii la soo dhaafey ay ku wadaageen xarunta madaxtooyada Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiye Muuse Biixi iyo xubnaha kale ee hoggaanka Xisbigu. Taas oo jawaab u ahayd tanaasulkii Muuse Biixi Cabdi, isla markaana loo arkayey inay saxar tirtey khilaafkii, dibna u dhayeyso nabaradii khilaafka. Hasa yeeshe, haatan waxa muuqda inay gudhay filashadaasi, welina uu khilaafkii nool-yahay. Dhinaca kale,Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo Ganacsato ay heyb wadaagaan ay horaantii todobaadkani ku qanciyeen inuu ka tanaasulo musharaxnimada, isla markaana ay u geeyeen Madaxweynaha, halkaas oo uu kaga dhawaaqay, ayaa dadka siyaasada odorosaa u arkaan inuu lumiyey taageerayaal mayal adag oo la safnaa, kadib markii uu ka laabtay go’aankiisi hore, kuwaas oo dib u kas bashadooda loo arko inay tahay hawl adag oo hor taala. Dadka Siyaasada odorosa qaarkood waxay ku doodayaan,in aanay Muuse Biixi wax baddani ugu jirin sii joogitaanka Xisbiga KULMIYE. Hase ahaate guud ahaan faaqidaada iyo falanqeynta mawduucan waxaynu u dhaafeynaa maalmaha soo socda iyo sida uu xaalku ku danbeeyo.