Shan Waxyaabood Oo sabab u ahayd Guuldaradii foosha Xumeyd Ee ku habsatay Qaranka Spain

Shan Waxyaabood Oo sabab u ahayd Guuldaradii foosha Xumeyd Ee ku habsatay Qaranka Spain

shan wax

Xulka Spain ayaa waxaa ka soo gaadhay xulka Holland guuldarro aad u qadhaadh misane lama filaan ahayd kaddib markii lagaga talaabsaday 5-1. Haddaba wax ka ogoow shan waxyaabood oo lagu sheegay inay sabab u ahayd guuldarada uur ku taalada ah ee soo gaadhay xulka xafidanaya koobka adduunka ee Spain. 1. Xulka Spain oo mooday inuu baahi tiri karo Fernando Torres: Xilli uu Spain u joogay David Villa ayay tamar ka raadiyeen Torres oo ku fashilmay kooxdiisa Chelsea iyagoo sidoo kale ay ka soo tageen weeraryahanada sida Alvaro Negredo iyo Fernando LIorente. 2. Xulka Spain oo gabi ahaan ilaaway sida wax loo difaacdo: Van Persie iyo Arjen Robben ayaa la arkayay iyagoo siday doonaan ka yeelanaya difaacyda Spain. 3. Spain oo kubbadaha Free Kick ama laadadka xorta ah u xil saaratay Sergio Ramos: Xilli ay joogaan kooxda xiddigo hal abuur leh sida Xavi, iniesta iyo David silva?. 4. Spain oo ku qaldanayd go’aanka Diego Costa: Spain ayaa iyagoo heli kara weeraryahano waqti badan la joogay ayay dooratay Costa ay dhawaan xulka ugu yeedhay dhalashana siiyeen misane ay ku soo bilaabeen ciyaarta. 5. Iyo iyagoo aaminay goolhaye kooxdiisaba boos joogta ah ka heysan ee Iker Casillas xilli ay xulka ka tirsan yihiin goolhaye David de Gea iyo Pepe Reina oo xilli ciyaareed heer sare ah soo muujiyay xagaagii la soo dhaafay.