Shimbir si amakaag ah gacanta ugu soo galisay Booliska nin gacan ku dhiigle ah Shimbir ayaa galaafatay gacan ku dhiigle, qof uu dilay qariyay inuu gaystay dilka.

Shimbir si amakaag ah gacanta ugu soo galisay Booliska nin gacan ku dhiigle ah Shimbir ayaa galaafatay gacan ku dhiigle, qof uu dilay qariyay inuu gaystay dilka.

Shinbir

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Times of India ee dalka India laga leeyahay, Shirbirtan ayaa bilayska u gacan galisay gacan ku dhiig lihii dilay ninkii lahaa iyada. Shimbirtan Baqbaqaaqa ayaa ku sugnayd guriga markii la dilay gabadhii lahayd ee la dilay, sida uu sheegtay ninkii qabay gabadha dhimatay. Ninkani wuxuu sheegtay inuu u fiirsatay mudadii dilka ka danbaysay, taas oo ay shimbirtan marka kasta oo uu soo galo guriga nin uu ay edo u ahayd gabadha dhimatayi, bilawdo shimbirtu inay waalato oo ay bilawdo qaylo iyo buuq“Mar kasta oo ay dhimbirtani na dhax joogto oo lasoo qaado magaca ninkaas, waxay bilawdaa inay qayliso. Taas ayaana shaki i galisay oo aan bilayska ku war galiyay”, ayuu yidhi ninkii qabay gabadhan la dilayi. Ninka qabay gabadhu wuxuu sheegay in ay shimbirtu ku dhawaaqi jirtay kalmada af-ka Hindiga ah ee “Usne maara” oo la macne ah ‘Isagaa dilay’. Inkastoo uu taliyaha gacanta ku haya kiisku sheegey inayna kalmadaasi noqon Karin cadayn, maadaama oo shimbirta Baqbaqaaqu ku cel celiso kalmado hore loo baray oo kaliyah.Balse, markii danbe ee ay bilaysku xidheen ninkii ee ay waraysteen ayuu qirtay inuu danbigaas gaystay.