Shirkadaha Facebook iyo Twitter Oo bog u samaynaya dhacdooyinka Koobka Adduunka

Shirkadaha Facebook iyo Twitter Oo bog u samaynaya dhacdooyinka Koobka Adduunka

Facebook

Shirkadaha ugu caansan Adduunka ayaa waxay awood intii ay lahaayeen ay isugu geeyeen halka bil ee ay socdaan Cayaaraha Koobka Adduunka iyagoo isku dayaya sidii ay ku kasban lahaayeen Macaamiil fara badan waxaana ay soo bandhigeen adeegyo cusub oo u gaar ah dhacdadaasi. Koobka Adduunyada oo ay ka qayb galayaan 32 xul, waxaana Labada shirkadood ee Facebook iyo Twitter ee Bulsha weynta adduunyadu ku wada xidhiidhan ay mid waliba adeeg cajiib ah u diyaarsatay tartankaasi la wada sugayo. Haddii aan ku bilaabo barta kulanka dadweynaha ee ‘Twitter’ waxa ay Koobka Adduunka ugu talo gashay iyadoo u sahlaysa dadka isticmaala in ay si fudud ku sameystaan Cinwaan cusub, in ay sawirka calanka xulka dalkooda ka dhigtaan mid ay saaran karaan (Profile Picture-ka) iyagoo ku beddeli kara sawirkii horey ugu saarnaa. Inta ay ciyaaraha Koobka Adduunku socdaan waxaa kale oo Twitter aad ka heli kartaa qoraallada la isku gudbiyo ee ku saabsan Tartankaasi, balse tan ugu cajiibsan ayaa ah in haddii aad qorto Hash (#) oo aad raaciso wax ku saabsan Koobka Adduunka aad heli karto macluumaad ku saabsan sida haddii aad ku qorto Saddexda xaraf ee ugu horreysa magacyada dalalka ka qayb galaya (#FRA, #ESP, #GER, #ESP, #BRA) ay si toos ah gadaal uga raaci doonaan Calamada dalalkaasi leeyihiin. Barnaamijkaan Hashflags waxaa markii aad waddan walba oo ka mid ah dalalka ka qayb galaya Koobka Adduunka aad riixdo ka heli doontaa taageerayaashiisa iyo wixii sheekooyin ah oo ay is dhaafsanayaan, natiijooyinka iyo hadba xaaladda xul walba halka ay mareyso. Dhinaca kale shirkadda ‘Facebook’ iyaduna ma aysan yareysan muhiimadda Koobka Adduunka, si ay taageerayaal badan u kasbatana waxa ay soo saartay barnaamij cusub oo lagu magacaabo (Trending World Cup) oo aad ka heli karto Natiijooyinka cayaaraha Koobka Adduunka, akhbaaraadka 32-ka xul ee ka qayb galaya cayaarahaas iyo weliba wax walba oo ay soo qoraan xulalka iyo ciyaartoyda madashaasi ka qayb galaysa. Adeeggan ayaa lagu dari doonaa qaybta (News Feed) ee warbixinnada Facebook laga helo, marka kulan walba oo Koobka Adduunka ka tirsan uu billowdo waxay dadka isticmaala aaladdani soo gudbin karaan wax alla iyo waxa ay daawanayaan iyagoo sii raacin kara Astaamaha dhoola caddeynta ee la raaciyo marka aad wax la wadaagayso dadka kale. Facebook waxaa kale oo ay ku soo kordhisay adeegga (Interactive Map), kaasoo ku tusaya halka ay ka yimaadeen Khariidad ahaan taageerayaasha ciyaartoyda ugu cad cad ee ka qayb galaysa Koobka Adduunyada. Raadinta halka ay ka yimaadeen taageerayaasha ciyaartooy walba ayaad si fudud ku heli kartaa adigoo riixaya qofka cinwaankiisa facebook, waxaana ogaan kartaa xitaa dadkaasi caasimadaha dalalka ay ka yimaadeen, iyadoo tanina ay noqon karto mid xiiso gaar ah samaynaysa.