Tiradda Dhimashada Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Weerar Argagixiso Nimo Oo Ka Dhacay Jaziirad Dalka KENYA Oo Sii Kordhaya

Tiradda Dhimashada Iyo Dhaawaca Ka Dhashay Weerar Argagixiso Nimo Oo Ka Dhacay Jaziirad Dalka KENYA Oo Sii Kordhaya

Dhimasho

Kenya(Salaanmedia.com)Waxaa sii kordhaya Qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerar la tuhmayo in kooxo Islaamiyiin ah xalay ku qaadeen Deegaan lagu Magcaabo Mpeketoni oo katirsan Jaziirada Lamu ee Dalka Kenya.
Inta la xaqiijiyay weerarka xalay lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni waxaa lagu dilay ilaa 48-qof oo isugu jira ciidan iyo dad Shacab ah , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad aad u badan oo dhaawacyadooda qaarkood loo qaaday Magaalada Nairobi.
Taliyaha booliska Lamu Leonard Omollo ayaa waxaa uu sheegay inay xaqiijinayaan in tirada dadka la laayay ay gaarayaan 48 ruux ,waxaana uu intaa raaciyay in kooxda weerarka qaaday ay si gaar ah u bartilmaameysteen Labo hotel oo dalxiisayaal daganaayeen, Bangi iyo saldhig boolis.

Danbeeyeen

Dhimasho 4

Dhimasho

Dhimasho3

Dhimashoi1

Dadka ku dhintay weerarka ay geesteen kooxaha islaamiyiinta ayaa la sheegay in dhamaan ay ahaayeen rag waxa uuna Taliyaha Booliiska Lamu xusay in aysan caruur iyo haween ku jirin dadka ku dhintay weerarka xalay ka dhacay Deegaanka Mpeketoni.
Warbaahinta Dalka Kenya ayaa maanta aad u tabinaya weerarka ka dhacay gudaha Dalka Kenya ee dadka badan lagu laayay , waxaana Muuqaalo ay soo bandhigeen Tv-yada iyo Websetyada muujinayaan guryo iyo goobo kale oo la gubay.
Ma jiro ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada Weerarka dadka badan ku dhinteen ee lagu qaaday Jaziirada kutaala Dalka Kenya , waxaana Warbaahinta Kenya ay sheegeen in weerarkaasi la tuhmayo in Al-Shabaab ka dambeeyeen.