Waa Kuma Madexweyne? Kumuu ahaa Raas Taffare Mokonon?Qoramdii-3aad

Waa Kuma Madexweyne? Kumuu ahaa Raas Taffare Mokonon?Qoramdii-3aad

haylesalaase

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Qoramdii sadexaad ee taxanaha Taariikhda Boqor Xeyle Salaase iyo nuxurka ku duugan Faalladan Waxaynu kusoo qaadaney qormadii 2aad boqor Xeyla Salaase, oo wakhtiyada qaar kamid ahaa hogaamiyayaashii ugu fadalada cadaa Qaarada Afrika, waxa uu talada dalka Itoobiya Qabsadey, isagoo aad u da,yar isagoo helay fursado badan oo u saamaxey in uu awood badan ka helo dowladihii faca weynaa ee aduunka, mudadii uu dalka Itoobiya xukumayay waxa uu Maamulkiisii aad u cadaadiyay qowmiyadaha dalkaasi qaar kamid ah ha ugu darnaato, qowmiyada oromaduye.

Xeyle Salaase oo Magaciisa rasmiga ahi ahaa Raas Taffare Mokonon, waxa uu ku dhashey dalka itoobiya gaar ahaana Bariga Hererge, meel layidhaahdo ajarsargore sanadku markuu ahaa 1892kii, waxaanu horaantii soo qabtey xilka
gudoomiyaha Gobolka Herer,waxaanu talada dalka Itoobiya la wareegay sanadkii 1936kii waxaanu dalka Itoobiya dibada kaga maqnaa, mudo dhan shan sanadood, oo la sheegay in uu ku maqnaa dalka Ingiriiska kadib markii Ciidamadii Talyaanigu dagaal kusoo galeen Gudaha dalka Itoobiya, dadka xogogalka u ah Taariikhdiisu waxey sheegaan in uu markab ka raacey Dalka Jabuuti, isagoo dib uga soo galey Tafari-Bar albaabkii Taffare (Awbarre), waxaanu ku xidhey labadii inan ee dhaxalka boqortooyada lahaa ee uu ka qaatey jagada meesha layidhaa Gaaraamurata haseyeeshee, Ciidamadii Talyaanigu waxey ku guuldareysteen in ay helaan jeelashii uu ku xidhey wiilashaasi, waxaana la sheegaa in uu sii qaadey oo uu laayey wiilashaasi,kahor intii aanu ka bixin dalka Itoobiya

Waxa kale oo Jirey Magaalooyin uu Xayle Salaase u bixiyay Magaciisa Magaalada jilla ee Xarunta Galbeedka Harerge oo uu u bixiyey Asaba-Taffari oo macnaheedu yahey fikirkii Taffari,ama Taffari ayaa fikirey…..

Lasoco Qeybaha dambe oo xiiso leh.