Wakiilada Maraykanka,Ingiriiska Iyo Midawga Yurub Ee Somaliya Oo ka Hadlay Ciidamada Somaliland Ee Taleex Ku Sugan

Wakiilada Maraykanka,Ingiriiska Iyo Midawga Yurub Ee Somaliya Oo ka Hadlay Ciidamada Somaliland Ee Taleex Ku Sugan

NEWS N

Hargeys(Salaanmedia.com)June.14.2014-Danjirayaasha Maraykan,Uk iyo wakiilka gaarka ah ee Midawga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa si adag uga hadlay galitaanka Ciidamada Somaliland ay la wareegeen gacan ku haynta MagaaladaTaleex ee Gobalka Sool.

“Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah looga saaro ciidmada goobaha lagu muransan yahay ee gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqaynaa dadka ay arrintaas quseyso inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayay danjirayaashan ku sheegeen qoraal wadajir ah oo ay maanta soo saareen.

Sidoo kale, wakiilladan ayaa hadalkooda ku daray: “Waxaan ku baaqaynaa is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidamada. Dhammaan qaybaha ay quseyso arrintaan waa inay dadaal deg-deg ah sameeyaan si wadahadallo loogu xalliyo khilaaf iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista ah in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah degenaasho waarta oo ka dhacda gobolka.”

Hadalkan danjirayaasha iyo wakiilka midawga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa imanaya ka dib uun markii maalin ka hor ay ciidamada Somaliland la wareegen gacan ku haynta magaalada Taleex oo ay ku shirayeen kooxo nabad diid ah ku waasi oo qas iyo rabshado ka dhex wada deegaanada Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa