Wasiir Shukri Xaaji Baandare Oo Mudadii Ay Xilka Haysay Shacbiga Reer Somaliland Si Xooga Ay U Mahadiyeen Wax Qabadkeeda.

Wasiir Shukri Xaaji Baandare Oo Mudadii Ay Xilka Haysay Shacbiga Reer Somaliland Si Xooga Ay U Mahadiyeen Wax Qabadkeeda.

Shugri

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Shacbiga ku dhaqan guud ahaanba Gobalada iyo Dagmooyinka Dalka Somaliland ayaa si aada u ugu mahadiyey hawlaha wax qabad ee Wasiirka Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyigu ay Kaga Midho dhalisay in Wasaaradaasi Noqoto mid wax ka qabata adeegyada kala duwan ee Qaranka ay u hayso.
Wasiirka Wasaarada Deegaanka Iyo Horumarinta reer miyiga Jamhuuriyada Somaliland Marwo:Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa mudadii koobnayd ee ay gacanta ku haysay Xilka wasaaradaasi waxaa ay muujisay dadaal badan oo horumarineed kaasi oo ay kor ugu qaadayso heerka ay wasaaradasi .
Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa mudadii ay jirtay ahayd wasaarad uu si xooga uga muuqday dayac aad u fara badani ,taasi oo ahayd mid ka liidatay kana hoosaysay heerka wasaaradaha kale ee dalku ay marayaan.sida oo kalena aan horumar badan ka samayn in ay waaxo kale ka furato ama laamo dawaladeed dhamaaba gobalada dalka marka laga reebo qaar ka mida oo ay magacaab naayeen uun isu duwayaashu halka ay kuwa kalana aanay haysan adeeg u suurta galiya in ay hawl maalmeedkooda qabsadaan.
Marwo:Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo si aada ugu xeel dheer cilmina u leh deegaanka ayaa tan iyo maalintii ay wasaaradaasi uu Madax waynaha Somaliland u magacaabay ay u tafa xaydatay sidii Wasaaradaasi ay uga dhigi lahayd Wasaarada Qaranka wax badan u tarta,waxaa ay dar dar badan galisay hamsami u socodka wasaradaasi,iyada oo intii ay wasaaradaasi jirtay markii ugu horaysay ku guulaysatay in ay Wasarada Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga oo ahmiyad badan qaranka ugu fadhida ay ka saarto dhismahii hore una wareejiso dhisme hal dabaq ah oo quruxda.
Waxaa sida oo kale ay Marwo:Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ay dar dar galisay hawlaha shaqo ee wasaadaasi ay qaranka u hayso iyada oo ku soo biirtay wasaaradu hada ku soo biirtay ugu tirade yar ee wax qabadkooda mudooyinkii danbe shacbiga reer Somaliland isha ku hayeen,noqotayna Wasaarad ka turjunta muhiimada ay qaranka ugu fadhiday oo markii hore ahaa mid aan si toosa u shaqaynayn.Waxaana ay ka shaqaysiisay dhamaanba laamihii dawaladeed ee ay ku lahaayeen gobalada dalka.
Balaadhinta laamaha dawladu oo qudhi maaha wax yaabaha intii ay wasiir Shukri joogtay u suurta galay sida oo kale waxaa ay samaysay dhismayaal cusub ku waasi oo ay yeelanayaan laamaha kala duwan ee qaar kamida dalka iyada oo kuwa kalan u balan qaaday in si dhakhso ah udhisayso. Wacyigalinta,Ilaalinta iyo dabagalka cida khatarta ku ah ama wax yeelaysa deegaanka Somaliland gaar ahaan dadka dhuxusha shida waa wax yaabaha soo kordhay mudadii ay Xilka Wasiirnimo haysa Marwo:Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.
Si kastaba ha ahaatee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer miyiga ayaa ah Ahmiyad aad u balaadhan ugu fadhida Qaranka Somaliland,Waxanaa mudooyinkan danbe si aad ay shacbiga reer Somaliland ay ugu mahadiyeen Wax qabadka degdega ah ee ay Muujisay Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.