Wasiir Xaglo Toosiye Iyo Maayar Soltelco Oo Isku Maandhaafay Barxadda Hore Ee W/Caafimaadka Oo D/Hoose Cagaf Galisay

Wasiir Xaglo Toosiye Iyo Maayar Soltelco Oo Isku Maandhaafay Barxadda Hore Ee W/Caafimaadka Oo D/Hoose Cagaf Galisay

Xaglo Toosiye Was

Hargeysa(Salaanmedia.com)Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xagla-Toosiye iyo Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ( Soltelco) ayaa si weyn isugu khilaafay hawl-gal barxadda hore ee wasaarada caafimaadka oo dawlada hoose shalay aroortii cagaf galisay islamarkaana ay bannaysay, shaqaalaha wasaarada Caafimaadka ayaa aroortii hore telefoonka ku soo Toosiyay Wasiirka kadib markii uu maayarku soo gaadhay goobtaasi oo ay Cagaf ku jirtay,waxaana la arkayay agaasimaha wasaaradda Caafimaadka iyo maayar Soltelco oo hadalku ka taag taagmay.

Dawlada hoose ee Hargeysa ayaa shalay aroortii Cagaf Galisay oo xaadhay barxada hore ee wasaarada Caafimaadka,waxaana barqanimadii goobtaasi soo gaadhay maayarka Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco),islamarkiiba waxaa maayarka ku soo xoomay shaqaalaha wasaarada Caafimaadka oo uu horkacayo Agaasimaha Guud ee wasaarada Caafimaadka. Agaasimaha ayaa maayarka u sheegay inuu joojiyo shaqada halkaa ka socotay inta uu wasiirku iminayo si ay qorshe ahaan iskula meel dhigaan,waxaanu maayarku u sheegay inaanay arintani wasiirka khusayn ee ay tahay shaqadii dawlada hoose,maayarka ayaa intaa raaciyay in cagaftu hawsheeda gudato,sidoo kale waxaa uu faray ciidanka bilayska dawlada hoose inay gabi ahaanba xaadhaan meherado yar yar oo dad danyar ahi ku lahaayeen goobtan laga shaqaynayay.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Tooseiye) ayaa muddo yar kadib soo gaadhay goobtan muranku ka aloosmay waxaanu islamarkiiba iskugu yeedhay shaqaalihiisa isagoo shir kula galay xafiiskiisa gaarka ah,wasiirka ayaa shaqaalaha ka waraystay waxa uu maayarku damacsan yahay ee uu meeshan u binaynayo,isagoo u sheegay shaqaalihiisa in aanu maayarku awood u lahayn inuu bogcadan ka yeelo siduu doono ee ay tahay goob ay wasaaradu leedahay,sidoo kalena ay tahay dhulka keli ah ee keyd ahaan u hadhay wasaarada Caafimaadka,waxa shirkan uu la galay agaasimayaashiisa balan u qaaday inuu xilka wasiirnimo iska casili doono hadaan loo madax banaanayn awoodiisa masuuliyeed ee wasaarada Caafimaadka.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee Dawlada Hoose ka damacsan tahay ee ay Cagafta u galisay barxada hore ee wasaarada Caafimaadka balse sida ay noo sheegeen masuuliyiin looga qaateen ah oo dawlada ka tirsan oo aanu shalay kula kulanay goobtan ayaa carabka ku adkeeyay in barxadan qayb ka mid ah laga iibiyay masuuliyiin isla dawlada uun ka tirsan sidaan dawlada hoose u binaynayso si ay dhulkaasi ugu wareejiso shaqsiyaadkaasi la sheegay in laga iibiyay,dhulkan ayaa ka mid ah dhulka faro ku tiriska ah ee ka sii jooga dhulka danta guud.

ah.