Wasiirka Maaliyada Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Aadan Musharaxnimada Uu Muuse Biixi Uga Tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo

Wasiirka Maaliyada Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku Aadan Musharaxnimada Uu Muuse Biixi Uga Tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo

Samaale

Hargeysa(Salaanmedia.com)June.21.2014-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Md.Cabdicaiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay argtidiisa ku aadan tanaasulida uu Muuse Biixi uu hamigiisii siyaasadeed uga tanaasulay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,waxana uu si aad u soo dhaweeyay in lagu kala adkaado Loolankii Musharaxanimda Xisbiga Kulmiye uga qeyb galaya Loolanka Madaxtinimo ee Doorashooyinka soo aadan.
Wasiirka,ayaa war qoraal ah oo ku baahiyay Boga uu Barta Xidhiidhka Bulsha ee Facebook-ga ku leeyahay waxa uu u dhignaa sida tan: “Khilaafkii u dhaxeeyey Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Tallada Dalkan haya ee Kulmiye Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Qaranka Axmed M M Siilaanyo oo si Buuxda u soo gabagaboobay.
waa wax ilaahay loogu mahadiyo waxay Somaliland ku soo Caano maashay isu-Tanaasul iyo wadda Tashi taas oo ugu dambayntii sababtay in Gudoomiye Muuse uu aqbalay Talooyinkii umadda reer Somaliland u soo jeediyeen oo u u Tanaasulay In Madaxwaynahu noqdo Musharaxa Xisbiga Taladda Dalka haya ee Kulmiye Shanta sano ee soo socda.
Waxaan u Mahadcelinayaa dhamaan dadkii ka qayb-qaatay dhamaystirka Arinkan waxaanan u rajaynayaa Madaxwaynaha dalku inuu noqdo kii dalkan u horseeda Barwaaqo. Horumar. Iyo Ictiraaf laga helo beesha caalamka” ,
Wasiirka W Maaliyadda
Abdiasis M Samaale