Wasiirka Madaxtooyadda oo ka Hadlay Socdaalka ay Ku Joogaan Dalka Jabuuti

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka Hadlay Socdaalka ay Ku Joogaan Dalka Jabuuti

XIRSIOS

Hargeysa, 14 June 2014 (Salaanmedia.com)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay weheliyaan Wasiirrada Qorshaynta iyo dib u dejinta, ayaa shalay gaadhay dalka Jabuuti oo ay socdaal shaqo ku joogaan. Wasiir Xirsi ayaa si kooban ugaga hadlay ujeedada socdaalkooda, sida uu ku daabacay bartiisa xidhiidhka bulshadda ee Face-book-ga. “Maanta Abaaro 2:30 Duhurnimo ayaan ka soo ambabaxnay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Hargeisa.Safarkan ayey igu wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo sidoo Kale Wasiirka Dib-u-Dejinta JSL Mud, Axmed Cabdi Kaahin. Guud ahaan safarkan ayaan noqon doona mid shaqo halkaas oo aan kulamo kula qaadan doono Masuuliyiinta Dalka aynu jaarka nahay ee Jabouti,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu. Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay inay booqan doonaan degmadda Saylac, halkaasi oo ay kormeeri doonaan jid isku xidha doona Saylac iyo Jabuuti oo uu tilmaamay in dawladda Turkigu ay hore ugu balan-qaaday inay dhisi doonto, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxaan safar ku tegi doonaa Degmada Saylac ee Caasimada Gobolka Salel halkaas oo aan kormeer ku samayn doono jid ay hore noogu balan qaaday Dawlada Turkiga, kaasi oo isku xidhidoona Degmada Saylac iyo Jabouti.”