Wasiirka Qorshaynta Oo markii ugu horreysay faahfaahiyey Diiditaankii xarunta Madaxtooyada

Wasiirka Qorshaynta Oo markii ugu horreysay faahfaahiyey Diiditaankii xarunta Madaxtooyada

Qorshaynta

Hargeysa, 03 June 2014 (Salaanmedia.com)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa meesha ka saaray jiritaanka war Mareegaha wararka qaarkood lagu baahiyay oo sheegaya in Wasiirka Maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay laga hor-istaagay inuu galo xarunta Madaxtooyada, isla markaana mareegaha lagu baahiyey warkan ayaa sheegaaya in ciidanka illaada madaxtooyaddu Wasiirka Qorshaynta oo gaadhigiisa saaran ay ku joojiyeen albaabka, kadibna ay ku war-galiyeen la ogolayn inuu galo xarunta madaxtooyadda. Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire oo shalay u waramayay warbaahinta dawlada waxa uu sheegay innaanay waxba ka jirin madaxtooyo laydiiday waxaanu yidhi, “Mareegta Halbeeg, waxay qortay in Jimcihii la ii diiday innaan Madaxtooyada galo oo laygu yidhi xilligan lama ogola inaad gasho iyo inaan diiday amar madaxweynaha iyo marwdiisu igu siiyeen inaan tago Magaalada Berbera, markaa warbixinta halkaa lagu qoray xarafka u horeeya ilaa ka u dambeeyaa waa been cad,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire Wasiirku waxa uu hadalkiisa sii raaciyey. “Aniga, Madaxweynaha iyo Marwada Qaranka waxa naga dhaxeeya is ixtiraam iyo qadarin. madaxweynahana wada shaqayn fiican baa naga dhaxaysa amarka kuma diidi-karo meeshii laygu yidhaahdo shaqo ka soo qabo, madaxtooyadana waxaan qadarin ahayn kalama kulmo markaan tago,”ayuu yidhi Dr. Sacad. Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anigu Madaxtooyada maan tegin jimcihii, Gaadhigayga anigaa watay oo darawal iima waddin. Markaa waxaan Warbaahinta u soo jeedinayaa inaanay xad gudub noocan ah ku kicin oo ay ilaaliyaan doorka ay ku leeyihiin waddanka. Markaa Warbaahintu door muhiim ah ayey ku leedahay horumarka waddanka, haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha ama dhinaca bulshada ama dhinaca siyaasada. Si haddaba ay xilkeeda u gudato waa in ay ilaaliso xaqa lagu leeyahay oo ah inay run ka sheegto wixii dhaca, beena ka sheegin waxaan dhicin.” Sidoo kale, Dr. Sacad waxa uu ka hadlay Khilaafka ka taagan xisbiga KULMIYE oo saameyn ku yeeshay xagga amniga ee dalka, waxa uu yidhi “Waxaa jira khilaaf-yar oo KULMIYE dhexdiisa ka jira. Guurtida ayaa arrinkaa immika gacanta ku haysa, waxaanu rajaynaynaa in khilaafkaa dhakhso xal looga gaadho.Waa arrin fudud laakiin haddii la weyneeyo oo la marin habaabiyo khalkhal iyo dhibaato weyn ayuu wadanka soo gaadhsiin-karaa.”