Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolajiyadda Oo Qufushay Dhamaan Xafiisyadii Wasaaradiisa, Iyo Hawl Maalmeedkii Shaqo Ee Wasaardda Oo Istaagtay.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolajiyadda Oo Qufushay Dhamaan Xafiisyadii Wasaaradiisa, Iyo Hawl Maalmeedkii Shaqo Ee Wasaardda Oo Istaagtay.

good news

Hargeysa-(Salaanmedia.com)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolajiyadda, Adan Axmed Warsame, ayaa saaka abaaro Siddeedii subaxnimo sifo sharci daro ah oo xoog ah u qufushay iridda albaabka hore ee laga soo galo xarunta Wasaardda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, oo ku taala ka soo hor-jeedka Madaxtooyadda Somaliland, taas oo sababtay in gebi ahaanba ay istaagaan hawl-maalmeedkii shaqo ee Wasaaradaasi. Dhamaan shaqaalihii iyo hawl-wadeenadii Wasaaraduna ay illaa iyio hada ku dhex xaniban yihiin gudaha xafiisyadooda ku dhex yaala dhismaha Wasaardda. Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Tiknoolajiyadda, ayaa sidoo kale si qeyrul masuulnimo ku jirto ula dhaqmay Saddex masuul oo sar-sare oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ku gudo jiray kormeekoodii caadiga ah ee ay ku mari
jireen Wasaaradaha dalka isaga oo Wasiirku uu hor joogsaday oo uu la dagaalamay masuuliyiintan ka socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, una diiday in ay gutaan baadhitaan ay ku kormeerayeen sidii ay u hubin lahaayeen shaqaale uu Wasiirka Wasaaraddaasi uu sifo si sharci daro ah ugu darsaday Pay Roll, Wasaardda.
Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), oo goob joog ka ahaa dhacdadan, ayaa indgihiisa ku soo arkay shaqaale ka mid ah Wasaaraddasi oo Wasiirka ka dalbaday in uu ka furo albaabka uu qufushay ee Wasaaradda ayuu Wasiirku si toos ah oo amar ugu sheegay in aanu ka furayn Wasaardda, waxaanu yidhi Wasiirku,
‘’Meeshan (Wasaaradda), aniga ayaa iska leh, ma jirto cid aan ka furayaa, shaqaaluhuna way ku dhex xanibnaanayaan, sooma geli karaan masuuliyiinta iyo hawl-wadeeno ka socda Ha’yadda Shaqaalaha Dawladu, meeshan,’’.
Sidoo kale Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), oo ka tirsan Hadhwanaagnews, oo dhacdadan goob joog ahaa ayaa sheegay in Wasiirka oo adeegsanaya askari ka mid ah Illaaladiisa gaarka ah oo ay Il-maadeer yihiin ayaa barxadda hore ee Wasaardda abaaro 11-kii iyo badhkii duhurnimo kula dhex dagaalamay qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaardda oo ka codsaday in uu ka furo alabaabka waxaana qayladii iyo buuqii ka dhashay dagaalkaa uu Wasiirku sababay u soo gurmaday oo kala kaxeeyay qaar ka mid ah Illaaliadda Madaxtooyadda oo ka ag dhawaa xarunta Wasaaradda ee Dagaalka iyo is qabsigu ka dhaca, manay jirin wax shaqo ah oo ka socday maanta Wasaaradaasi.
Maaha markii u horaysay uu Wasiirka Wasaaradani uu si badheedh ah isu hor-taago socodsiinta hawlaha Wasaaradaasi.
Warar kale oo dheeraada oo ku saabsan dhacdadan kala soco Salaanmedia.com