Wax ka ogow lix Abaalmarin oo lagu bixin doono dhacdada Koobka Adduunka

Wax ka ogow lix Abaalmarin oo lagu bixin doono dhacdada Koobka Adduunka

Abaal Marinta Viva

Qorshaha waxaa ku jira sannadkan 2014-ka in la bixiyo abaalmarino badan marka uu soo gaba gaboobo koobka Adduunka ee Brazil. Abaalmarinadan ayaa la siin doonaa shaqsiyaadka u qalma ee ku muteystay kartidooda. Shantan abaalmarinta ayaa ugu muhiimsan kuwa laga bixinayo koobka Adduunka balse wadarta guud waa lix abaalmarin. 1. Golden Boot Award: Waa abaal-marin la siiyo ama la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu goolasha badan koobka Adduunka, sannadkii hore waxaa ku guuleystay 2010-kii Thomas Muller, waana kab dahab ah. 2. Golden Ball: Abaalmarintan waa tan uu ku riyoodo inuu ku guuleysto ciyaaryahan walba, waxaana la siiyaa ciyaaryahanka ugu fiican ama ugu wanaagsan tartanka, waa kubad dahab ah, sannadkii 2010 waxaa ku guuleystay Diego Forlan. 3. Golden Glove: Tani waa abaalmarin gacan gishi dahab ah waxaa la siiyaa goolhayaha ugu fiicnaa tartanka ee bad baadiyay goolal khatar ah ama aan la qaban Karin,waxaa sannadkii hore ku guuleystay Iker Casillas. 4. Best Young Player: Abaal-marintan waxaa la siiyaa ciyaaryahanka ugu da’da yar tartanka waliba ugu badnaan ciyaartooyda 21 sanno jirada ee sameeya bandhig fiican, sannadkii 2010-kii Thomas Muller ayaa la gudoonsiiyay. 5. Fair Play Award: Tani waa abaalmarinta guddiga xidhiidhka FIFA ay siiyaan dalka ugu ciyaar wanaaga fiican koobka Adduunka iyadoo dalkaas dhinac kastana laga eegayo. Spain ayaa labadii tartan ee ugu dambeeysay ku guuleystay abaalmarintan. 6. Most Entertaining Team: Abaal-marintaan waxaa la guddoonsiiyaa wadanka madadaaliya taageerayaasha usoo daawasho taga tartankaan ama u ciyaara qaab madadaalo leh. Portugal ayaa Koobkii Adduunka ee 2006-dii ku guuleysatay abaalmarintan.