Weftiga Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Ka Fulinayaan Deegaanka Taleex

Weftiga Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Waxyaabaha Ka Fulinayaan Deegaanka Taleex

WAFTI TALEEX

Taleex, 26 June 2014 (Salaanmedia.com)- Madax-dhaqmeedka, Odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada, Culumada iyo Haweenka Degmada Taleex, ayaa shalay siweyn ugu soo dhaweeyay wefti ballaadhan oo ka socda Xukuumadda Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan labada Gole, isla markaana waa markii u horeysay ee wefti ka socda xukuumadda Somaliland lagu soo dhaweeyo Degmada Taleex. Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiiru-dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobollada bariga Somaliland Cali Maxamuud (Cali Sandule), Wasiirka biyaha iyo kheyraadka Xuseen Axmed Cabdul, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Taliyaasha Ciidamada qaranka, booliska asluubta, Madax-dhaqmeed, waxgarad, Culumo aw-diin, iyo dad weyne kale oo la socday weftigaas. Ugu horeyn mid ka mid ah Isimada Degmada Teex oo halkaas ka hadlay.“Waxaanu idinku soo dhaweynaynaa Degmada Taleex ee taariikhda weyn leh, socodkii ugu horeeyay aad maanta (shalay), ku timaadeen waxaanu ka madax-dhaqan ahaan idin leenahay ku soo dhawaad,”ayuu yidhi mid ka mid ah Isimada deegaanka Degmada Taleex oo halkaas ka hadlay. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in dhulka deegaanka Taleex ay ka jirtay dhibaato badan. “Runtii in badan ayay dhulkan dhibaato ka jirtay, waxaanu filaynaa in dhib walba ay maanta ugu dambayn doonto, dadka wallaalaha ah ay maanta isu-soo dhawaadeen, sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen,”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan wax badan la qaabanayaan dadka ku dhaqan deegaanka Taleex waxaanu yidhi, “Waxa weeye inaanu wax ka qabano nabadeyn iyo sidii u bugsiin lahayn nabaradii soo kala gaadhay beelaha darafyada iyo ciidamo aanu qaramaynayno oo aanu doonayno in ciidan deegaanka ah ay noqdaan, ciidan qaran oo iyagu ku filan deegaanka.” Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyada oo shalay (doraato), u waramayay Idaacadda Af-soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay inaanay Taleex immika ahayn goob colaadeed waxaanu yidhi, “Taleex waa dhulkayagii, waana meesha aanu ka talino oo waxa jooga dadkayagii iyo maamulkayagii. Halkani maaha goob colaadeed xabadna kamay dhicin, cidna iskumay dilin, waxaanu la kulanay bulshada kala duwan iyo Caaqilada deegaanka. Waxaanu halkan u nimi inaanu nabadaynta aanu kor u qaadno, kana caawino ciidamo boolis ah, laga dhigayo dad deegaanka ah.