Wel-wel Iyo Murugo Hadii Aad Mar Walbo Jaar La Tahay Qaado Qodobadaan Si Aad Ugu Fogaato Wel-welka..

Wel-wel Iyo Murugo Hadii Aad Mar Walbo Jaar La Tahay Qaado Qodobadaan Si Aad Ugu Fogaato Wel-welka..

YABAAL WELWEL

Waxaan halkan aan ku soo bandhigayaa qormo ku saabsan qaababka ugu saxsan ee lagaga hor tago war-warka iyo walbahaarka nolosha, waana dawada cidkasta oo ka cabanaysa inay la kulmaan wer-wer iyo walbahaarka kala duwan ee nolosha.

Wer-werku waa mid ka mida wehelka nolosha qofkasta oo dunida ku nool uu dareemo wer-wer kaga yimaada dhinacyo badan iyo xaalado kala duwan oo nolosha ka mida , waana waxyaalaha sababa waalnida iyo shakiga joogtada ah taas oo dad badan ku riday xanuuno kala duwan .

Wer-werka waa mid qofkastaaba uu ku nool yahay,waana nolol ka duwan ka kale waxaanu ku dhacaa bulshada iyo cidkasta oo nool,waxaanay markasta dadkaasi waa muslimiintee ay ilaahay ugu mahad naqay sida uu ku abuuray iyo nolosha uu siiyay ,dadka muslimiinta ah ee ku nool dunidan waa dad noocyo badan oo xaga nolosha ah leh , qaarbaa ku nool nolol sare oo hadana hela farxad iyo murugo labadaba ,

Qaarna waxay ku nool yihiin nolol dhexe oo iyaguna la kulma farxad badan iyo murugo ,qaar kalana waxay ku nool yihiin mid nolol hoose oo iyaguna u dhexeeya farxad iyo murugo labadaba,hadana waa dad muslima oo midkastaaba ilaahay ugu mahadnaqayaa nolosha uu siiyay , midkastaaba wuu ku faraxsan yahay nolosha uu ilaahay siiyay isagoo ku faraxsan wuxuu haysto laakin aanu haysan mid ka mida qaraabadiisa iyo dadka ka ag dhaw.

Farxada iyo naxdintu waa mid markasta wehel u ah ibnu aadanka qaybihiisa kala duwan, taas oo sababta in qaar ka mida ah ibnu aadanka midi ay farxad la dhintaan ama la suuxaanba qaarna waxa suuro gal ah inay murugo awgeed iyo wer-wer ay naftaba is dhaafiyaan oo ay is dilaan ama is daldalaan.

Intaas hadaan ku soo dhaafo xaaladaha wer-werka iyo farxada ,waxaan ku xigsiin doonaa dariiqooyinka lagaga hortago wer-werka iyo walbahaarka nolosha iyo sida loogu noolaado nolol farxad iyo aakhiro wanaagsan leh waxaanay kala yihiin sidatan :——–

1:Markasta ilaahay waydiiso dambi dhaaf,ogowna ilaahay wuxuu jecel yahay in markasta la waydiisto waxkasta oo ay dadkiisu jecel yihiin khayrna ku jiro ,ILAAHAYNA wuxuu ka cadhoodaa cida aan waxba waydiisan wuxuuna ku farxaa cida wax waydiisata.

2: salaada oo la oogo , dulqaadka oo la badiyo waa lagu yarayn karaa

3: markasta xusuusnow inuu ilaahay yahay razzaq cidkasta iyo noole kast inuu isagu arqsaaqo dhehna allxamudulilah.

4:markasta xusuusnow inuu ilaahay maamulo dhimashada iyo dhalashada labadaba .

5: xusuusnow in nolosh tahay mid gaaban oo aan la saadaalin Karin dhimashadeeda iyo wakhti ilaahay loo noqon doono.

6: markasta badso dikriga, quraan akhriska, salaada iyo dambi dhaafka alle

7:markasta oo aad seexatid oo aad hadana soo toostid u mahad naq ALLAH dhehna ALXAMDULILAH maxaa yeelay waxaad ka soo noqotay dhimasho gaaban kuna cel-celi ilaahayaw waan ku aamin san ahay , mana jiro ilaah aana adi ahayn ,markastana badi amaanta ilaahay , alxmadulilaah,wala xawla wala quwa , waliba habeenkii markii la seexanayo.

8:markasta ILAAHAY TALO SAARO.

9: xidhiidhi dadka muslimiinta ah kana qayb qaado muslimka horumarkooda

10:markasta oo aad qadaynaysid ama quraacaynaysid xusuusnow jaarkaaga kaan haysan intaad haysatid:

11: si cod dheera markasta u dheh ALLAHU AKBAR,TAKBIRAT, kuna cel-celi

12:markasta la tuko dadka iyo masaajidada ama jamac aadna ugu xidhnaw masjidka iyo jamaca.

13: u ducee markasta dadka muslimiinta ah ee dhibaataysan kana fikir sidii aad xal ugu heli lahayd.

14: markasta ka shaqee midnimada muslimiinta iyo isku xidhkooda.

15: u seexo sidii nabiga N.N.K.H

16: wakhti hore kac , ilaahayna u mahadnaq (Alxamdulilah) maxaa yeelay ilaahay (S.C.W) wuxuu ku siiyay maalin cusub iyo cimri dherer.

17: ka fogow markasta wararka xun-xun sida wararka kugu beeraya wer-werka ama TV yada iyo filimada xusuusta kugu reebaya ee wax yeelaya qalbiga,kuna badalo inaad akhrido waxyaalaha wanaagsan qraanka iyo sida buugta wanaagsan iyo kuwa ka sheekeeya guusha muslimiinta.

18: saaxiib ka dhigo quraanka akhriskiisa

19: markasta ku ducayso inaad noqotid qof wanaagsan oo wadada saxdaa qaadaya, markasta diyaar u noqo geeri.

20: U mahad naq markasta ALLAH runtii war-warka sidiisaba waxa yareeya,haddii aad alle isku xirto markasta iyo saacadkasta ,mahadnaqana badisid, waa lama arkaan .

21: ha isku dayin inaad maamusho,waxaan la maamuli Karin.

22: ka fogow dhamaan drugs oo dhan sida sigaarka ,qaadka,I.W.M

23: si wanaagsan u seexo wakhtiga hurdada , hana ku sii hadlin telefonka, iska xidh telefanka iskana jir inaad soo xasuusato wax tagay.

24: noqo qof markasta positive ah : farxad badan, taagero badan , dadaal badan , markastana isticmaala yes ama haa markastana adkeeya xidhiidhka ilaahay.

Marka aad intaa ku mashquushid waxaad galaysaa jawi cusub iyo nolol cusub waayo waxaad wax ka badashay qaabkii noloshii hore adoo wehel ka dhigtay ALLAH.

STRESS: Waa wer-werka markasta nolosha qofkasta u keena dhibaatooyin waana wax laga bogsan karo haddii la raaco talaabooyinkan iyo kuwo la midaba.

Wer-werku waa wadada guul darada qofkasta , waligaa adoo wer-wersana ama cadhaysan ha gaadhin go,aan .

Wer-werku waa waxyaalaha sababa xanuunkasta oo jira kana hor taga farxada badiyana murugada.

W/Q Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)