Weriye HEELO Oo Ka Tegey Shaqaddi HCTV Iyaddo Ay Dhowaan Ka Dareereen Aamina Muuse Weheliye Cawke Iyo Weliba Cabdisalaan Herari

Weriye HEELO Oo Ka Tegey Shaqaddi HCTV Iyaddo Ay Dhowaan Ka Dareereen Aamina Muuse Weheliye Cawke Iyo Weliba Cabdisalaan Herari

HRCBLE

Har(Salaanmedia.com)-Mudooyinkii ugu danbeeyay,ayaa waxa soo badanayay Shaqaalaha Banaynaya shaqadii ay ka hayeen Tv-ga Afka Somaliga ku hadla ee Horn Cable Tv,waxaana ugu danbeeyay oo ka tagay Shaqadii uu ka hayay Tv-gaas Wariye Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Hello) oo ka mid ah Wariyaasha Magaca
Weyn ee ka Hawlga Somaliland.

Qoraal Kooban oo uu dhigay Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook,ayaa ku sheegay in Muddo Afar Sanno ah oo Shaqo adag ay ahayd uu ka tagay Shaqadii Tv-ga Horn Cable Tv. Ma cadda ilaa hadda Sababta uu uga tagay Shaqadii Tv-ga,balse dad ka
ag dhaw Wariye Hello,oo aanu Xidhiidh la samaynay,ayaa noo sheegay inay isku dhaceen Mulkiilaha Tv-gaas Farxaan Xaaji Cali. Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxa isa soo taraayay Wariyayaasha Caanka ah ee ka tagaya Tv-ga Horn Cable Tv.waxaanan todobaadyadii ugu danbeeyay ka tagay Aamina Muuse Weheliye,Cawke,Cabdisalaan Herari iyo Hello.