WORLD CUP:- Hordhaca Kulanka Caawa Kooxdda PORTUGAL Oo Waji Doonta Xulka Qaranka Ee USA

WORLD CUP:- Hordhaca Kulanka Caawa Kooxdda PORTUGAL Oo Waji Doonta Xulka Qaranka Ee USA

Sports

Hargeysa(Salaanmedia.com)Garoonka: Arena Amazonia, Manaus.
Saacadda: 12:00 AM
Portugal ayaa tijaabo kale mari doonta, waxaana kulankeedii labaad ee koobka adduunka ay laciyaari doonta xulka qaranka USA, Portugal ayaa guuldaro xanuun badan kufuratay koobka adduunka, iyadoo natiijo culus oo afar jawaab la’aan ah ay kasoo gaartay Germany.
Dhanka kale USA ayaa si dirqi ah kagasoo badisay Ghana, kulankii furitaanka, gool soo daahey ayay kuxaqiijisay seddexdii ddhibcood ee kala dhaxeesay Ghana, haddii ay USA kabadiso waxey si rasmi ah ugusoo bixi doonta wareega labaad ee tartanka koobka adduunka, halka Portugal ay si rasmi ah uga hari doonto wareega labaad koobka adduunka ee Brazil kasocdo.
Maxaa Cusub?
Tababaraha USA Jurgen Klinsman ayaa lafilayaa inuu udoorto da’yarka Aaron Johannsson si uu ubuuxiyo weeraryahanka dhaawaca kumaqan ee Jozy Altidore.
Clin Dempsey ayaa qabo jabniin sanka ah, balse waxaa lahubiyey inuu ciyaari karo kulanka Portugal isaga iyo daafacada USA Matt Besler.
Xiddiga Portugal Cristiano Ronaldo oo ladhibaatoonayey dhaawaca jilibka bidix ayaa kusoo bilaaban doono kulankaan.
Lama hubo inuu diyaar yahay Bruno Alves, halka Fabio Coentrao uu soo idlaaday fursadiisa koobka adduunka, Pepe ayaana ganaax kaga maqnaan doona kulankaan.