Xildhiban C/Risaaq Xuseen Obsiiye (Shiine Faliidh) Oo ka Mid ah Golaha Degaanka Burco Oo Xoriyadiisii Loo Soo Celiayay

Xildhiban C/Risaaq Xuseen Obsiiye (Shiine Faliidh) Oo ka Mid ah Golaha Degaanka Burco Oo Xoriyadiisii Loo Soo Celiayay

xildiban%20shine

Burco (Salaanmedia.com) Xildhiban C/Risaaq Xuseen Obsiiye (Shiine-Faliidh) Oo ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Habeenimadii Xalay ahayd Lagu Xidhay Xabsiga Faarax Omar Ee Magaladda Burco. Ayaa maanata Xoriyadiisii Loo Soo Celiayay

Xadhiga Xildhiban C/Risaaq Xusen Obsiiye ayaa la Shegay inuu Xadhigiisa amray Taliyaha Saldhiga Faarax Omar Taliye Khadar.

Xildhibanka ayaa ilaa Xalay Iyo Saakaba ku Xidhanaa Xabsigaasi Waxaana Aan la Garanayn Ujeedada Rasmiga ah Ee ka Danbaysa Xadhiga Xildhibankaasi.

Dhinaca Kale Waxa isla Maantaba Xarunta Maamulka Gobalka Togdheer ka Socda Kulan ay si Wada Jir ah u Wada Qadanayaan Qaar ka Tirsan Xildhibanada Golaha Degaanka iyo Waliba Badhisabka Togdheer Si Xal-Waara Looga Gaadho Xadhiga Lagula Kacay Xildhibankaasi.

Qaar ka Tirsan Xildhibanada Golaha Degaanka
Burco Oo ay La Xidhidhay Shabakadda Salaanmedia.com ayaa Shegay inay ku Howlan Yihiin Xildhibanadu Sidii Loo Sii Dayn-Lahaa Xildhibanka. Isla Markaana Ay Si Rasmi Ah ugu Guulaysteen In xoriyadiiisii Loo Soo Celiyo Xildhibaan Shiine Oo Imkadaana La Soo Daayay………………