Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Oo Ku Eeddeeyay Wasiirka Duulista Inuu Dalka Keenay Shirkad Lagu Lunsanayo Hantida Qaranka

Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Oo Ku Eeddeeyay Wasiirka Duulista Inuu Dalka Keenay Shirkad Lagu Lunsanayo Hantida Qaranka

muhanattt

Hargeysa, 14 June 2014 (Salaanmedia.com)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku eedeeyay Wasiirka Wasaaradda duulista, hawada iyo gadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi inuu dabada ka riixaayo shirkad kacday oo uu damacsan yahay sidii uu hanti ugu lunsan-lahaa, isla markaana waxay ugu baaqeen innaanay ka aq-balayn in shirkad aan jirin ka hawl-gasho madaarada dalka Somaliland. Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xog-hayaha Warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo xalay nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Xarunta Wargeyska Ogaal ee magaaladda Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan:- “ Xisbiga UCID wuxuu Shacbiga Somaliland u caddaynayaa in Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamed Xaashi Cabdi ka masuul noqon doono khiyaamada shirkada sheegata magaca ATA airlines oo ku shaqaysata magac aan jirin. Xisbiga UCID wuxuu uga digayaa Xukuumadda innaan shacbigu ka aq-balidoonin Wasiir Maxamed Xaashi Cabdi inuu dadka ku sawiro shirkadda kacday ee ATA Airlines, laguna lunsado hantida Qaranka,”Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafaddeedkaas ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID. Xog-hayaha xisbiga UCID, waxa uu sheegay in wefti ka socda shirkadaas lagu soo dhaweeyay dalka Somaliland, isla markaana waxa uu sheegay inay hor-kacayeen niman reer Somaliland ah waxaanu yidhi, “Waxaa dhawaan dalka lagu soo galbiyay wefti ka socday maamulka shirkadan cusub ee la yidhaahdo ATA Airlines oo ay horkacayeen niman reer Somaliland ah, iyagoo dalka iyo dadkaba ugu bushaaraynayay inay ku soo kordhiyeen shirkad lagu raacidoono qiimo jaban lagana helidoono adeegyo wacan. Haddaba waxaanu rabnaa innaanu xaqiiqda shirkadan soo bandhigno madaama ay geeska afrika baryahan dambe ay ku soo kordheen budh-cad noocya badan oo ay gadhwadeen ka yihiin niman aynu saanta iyo muuqaalkaba waddaagno, hase ahaatee aynu kala fognahay damiir iyo dadnimaba. Sidaa awgeed shirkadan la yidhaahdo ATA airlines, waa shirkadaha nooca loo yaqaan (charter airlines), oo ah noocyada cid walba kiraysan karto oo dano gaar ah leh, sida xamuul (cargo), ama adeega deg-dega ah ee ambulance ama ganacsi ahaan loo kiraysto dawlad iyo shacab-ba, taasoo ka duwan diyaaradaha aynu raacno oo loo yaqaan (Individual aircraft seats), oo ku salaysan ganacsigoodu kursi iibis (selling seats).” Xog-hayaha Warfaafinta xisbiga UCID waxa kale oo uu ka hadlay meelaha ay ku ooli jirtay xarunta diyaarada lagu magacaabo ATA airlines waxaanu yidhi, “Xaruunta diyaaradan waxay ahayd (Indianapolis, Indiana), markay taariikhdu ahayd bishii April, 2/ 2008-dii ayuu maamulkii diyaaradani buuxiyay kiis ah inuu kacay isagoo cuskanaaya qodobka daryeelka 11 ee xeerka kicitaanka ama (fallaska), ee maraykanka, sababtana ka dhigay khasaaro badan oo soo gaadhay. Shirkadan ATA waxay ka hoos shaqaysan jirtay (subcontracter), shirkada Fedex Express oo xamuul u qaadi jirtay ciidanka maraykanka. Duulimaadkii ugu danbeeyay ee ATA waxa u ahaa socdaalka lambarkiisu ahaa 4586 ee ka kacay Honolulu ilaa phoenix, iyagoo dib uga dhacay waqtigii la rabay inay kacdo 2 saacadood. Sidaa darteed waxay shaaca ka qaadeen inay dhamaan joojiyeen wixii adeeg shaqo ahaa marka laga bilaabo 4.00 subaxnimo ee ay bishu ahayd 3-dii April 2008. Shirkad kale oo la yidhaahdo Southwest airlines ayaa ku iibsatay iyagoo wali ku jira qodobkii fallasaada ama kicitaanka ee 11 xeerka maraykanka qiimo gaadhaya 7.5 milyan oo dollar, taasoo ay ku hantiyeen dhamaan wixii ay hanti lahayd (assets), oo ay ku jirto rukhsadii dhaq-dhaqaaqu. Waxaa halkaa ka cad in shirkadu amaah (debt) ku jirto oo aan loo ogolayn inay magaceeda ku shaqaysato. Sirta ugu wayn ee ay ka damacsan yihiin inay ku shaqaystaan ay tahay magaca qaranka Somaliland si ay ugu suurtagasho inay saamiyo ka iibsadaan, kana ganacsadaan suuqyada saamiyada suuqa caalamka (stock exchange), ee London ama US ama si gaar ahna suuqa saamiyada ee loo yaqaan AIM oo ay dhamaan ku jiraan. Haddaba Su’aashu waxay tahay miyay ogayn masuuliyiinta horkacayay xaqiiqada shirkadan la doonayo in hantida qaranka lagu lunsado. Jawaabtu waxa weeye way og-yihiin, mana garanayno sababta shacabka reer Somaliland loogu qaarinayo shirkadan waqti hore kacday. Waxaanu Wasaaradda duulista iyo shirkada ugu baaqaynaa inay jawaab deg-deg ah ka bixiyaan.