Xukuumadda Oo Heshiis Laba Sannadood ah u Kordhisay Shirkadda Saliida Ka Baadhaysa Deegaanka Oodweyne

Xukuumadda Oo Heshiis Laba Sannadood ah u Kordhisay Shirkadda Saliida Ka Baadhaysa Deegaanka Oodweyne

Saliida

Hargeysa, 06 Jne 2014 (Salaanmedia.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa muddo laba sanadood ah ugu kordhisay Shirkadda Sterling Energy heshiiskii Saliid Baadhista ee laga siiyey deegaanka Odweyne,Oodweyne Product Shering Energy (PSC). Sidaasna waxa shalay baahisay Shabakada Bussiness Day Online.com, isla markaana waxa lagu sheegay qoraal kooban in Jamhuuriyada Somaliland aas-aastay ciidamo u gaara ilaalinta goobaha Saliida Oil Prection Unit (OPU) oo la rajeynayo inay wax weyn ka taraan ammaanka goobahaas oo la rajeynayo mustaqbalka in saliid laga soo saaro. Heshiiska ay ku wada-jiraan Somaliland iyo shirkadahan Saliid baadhista ayaa dhigaya in 40% waxa la soo saaro lasiinayo. Dhulka ay shirkadahani Saliida ka baadhayaan ayaa waxa uu cabirkiisu dhan yahay 22,840Km oo isku wareega. Shirkadan Sterling Energy iyo ciidamada gaarka ah ee ay dawlada Somaliland geysay ayaa la rajeynayaa inay shaqada wada bilaabaan sanadkan dhamaadkiisa sida warkaas lagu sheegay. Geesta kale, Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo aanu xalay khadka Telifoonka kula xidhiidhnay sidii aanu wax uga weydiino warkan ayaa naga qaaban wayey Telifoonka gacantiisa.