Xukuumadda Oo Sheegtay Dab-damis yaraanta Dalka Ka Jirta Inay Halis Ku tahay Nolosha Bulshada

Xukuumadda Oo Sheegtay Dab-damis yaraanta Dalka Ka Jirta Inay Halis Ku tahay Nolosha Bulshada

DAMDAMIS

Hargeysa, 25 June 2014 (Salaanmedia.coml)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dab damis yaraanta ka jirta dalka ay tahay dhibaatooyin khatar ku ah bulshada reer Somaliland. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadal ka jeediyey munaasibad loo sameeyay shirkad cusub oo magaalada Hargeysa, keentay gaadiid dab-damis ah, waxa uu sheegay in xukuumaddu sannadkan ay bajadka miisaaniyada ku dartay sidii loo abuuri lahaa ha’yad iyo ciidamo ka shaqeeya masiibooyinka dabka. “Dawladdu qorshe ma ka leedahay masiibooyinka dabka.? Haa xukuumaddu waxay ka leedahay qorshe, sannadkana waxa loogu daray bajad loogu talo galay inta uu gaysan khasaare dabku iyo sidii loo abuuri lahaa ha’yaddii ama ciidankii ku shaqada lahaa, waxa la soo iibiyey ilaa shan gaadhi oo jooga, waxaana lagu diyaariyey beerta xoriyada garoonka ku dhex-yaala. Ciidankii oo ah in ka badan boqolna waa la diyaarinayaa, waxaana lagu jiraa tababarkisii. Kornayl Axmed Sawaaxili ayaa u xilsaaran, ahna nin ka shaqeeya Immaaradka Carabta, markaa waxaan isleeyahay ka hawl-galka dabku meel fiican ayay maraysaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay shirkado ka shaqeeya dabka, kana hor-taga waxyeeladiisa waxaanu yidhi, “Dabku waa hawl oo waa mushkilada, ciddina isu sheegimayso, waana laga dayriyaa dhibaatada uu gaysto, balse waxa is weydiin leh ma waxa ku filan ha’yadda dawladda, mise ciidanka Madaxweynuhu u qorsheeyay oo kaliya, ma noqonayaana ciidan hoos-taga booliska? Haa waxa loo baahan yahay shirkado kale oo ka shaqeeya dabka. Waxa loo baahan yahay sida dhakhtarka Hargeysa oo kale ugu filaan waayey baahida caafimaadka ee loo sameeyay in dhakhaatiir kale la furo ayaa loogu baahan yahay mid kale. Sida xannuunku u yahay mushkilad ee laleeyahay qofka ha loola carraro cisbitaal badbaadiya naftiisa ayuu khatar u yahay dabku aad u culus.”

Salaanmedia/Hargaysa