Xukuumadda Somaliland Oo Nidar Ku Martay Inay Jab La Kulmayaan Maamulka Soomaaliya Haddii Faraha La Soo Galaan Xadka Somaliland

Xukuumadda Somaliland Oo Nidar Ku Martay Inay Jab La Kulmayaan Maamulka Soomaaliya Haddii Faraha La Soo Galaan Xadka Somaliland

Silanyo Biixi

Hargeysa, 16 June 2014 (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Somalilland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa sheegay in ciidanka qaranka Somaliland ay ilaalinayaan xaduudaha dalkooda ee ay la leeyihii Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay in Puntland ka mid tahay maamulka Soomaaliya oo aanay ka caq-balayn inay ku soo xad gudbaan xaduudaha dalkiisa. Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo shalay qoraal uu arrintaas kaga hadlayey ku baahiyey Bartiisa uu Internet-ka ku leeyahay ee Twitter, ayaa sheegay in Somaliland leedahay xuduudo cayiman oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya, basle aanay jirin xad ay wadaagaan Maamul-goboleedka Puntland. Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ku baahiyey bartiisa Twitter waxa uu ku yidhi sidan: “Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago dalka Soomaaliya,”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Hadalka Madaxweynaha Somaliland, ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii ay Ciidanka Qaranka Somaliland gaadheen degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay gacan ku-haynteeda si buuxda u la wareegeen. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay ka soo noqday safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa oo warbaahinta ugu waramayay madaarka Hargeysa, ayaa ugu hanjabay maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland innaanay cidna u daba fadhiisanayn xaduudaha dalkooda, isla markaana waxa uu sheegay in beesha caalamka oo dhan ogyihiin xaduudaha Somaliland. “Waxaad og-tihiin in Somaliland ay leedahay xad mucayin ah oo gaal iyo muslim-ba waa la og-yahay. Xaduuda ay leedahay Somaliland cidna loo daba fadhiisanmayo. Maraykanka iyo midowga Yuruba way og-soon yihiin xaduudaha Somaliland halka ay maraan, xaduud ay inaku dhignay maaha ee waa mid ay dhigeen Talyaanigii iy Ingiriiskii. Dawladda Somaliland ee uu Madaxweynahaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxa ka go’aan inay sugaan xaduudaha iyo nabada shacabka reer Somaliland meelksata oo ay joogaan,”Ayuu yidhi Wasiirka arrimaha diibadda Somaliland. Maxamed Biixi Yoonis. Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay wadin wax qas ah, balse ciidamada qaranka Somaliland ay tageen meel ka mid ah xaduudka dalkooda, waxaanu yidhi, “Anagu wax qas ah ma wadno ee waxaanu u tagnay Taleex innaanu sugno ammaanka xadkayaga iyo inay nabadi ka dhacdo dalka oo aanay ciddi qas iyo khalaase ka samayn. Waxaad ogaydeen in shan bilood horteed uu yimi Madaxweyne ku-geenka Puntland oo uu dad ku dilay Taleex. Somaliland marnaba ogolaan mayso in waddankeeda gudihiisa cid lagu dilo, waana masuuliyad naga saran shacabka iyo ummdda reer Somaliland ee aanu masuulka ka nahay. Horena waanu ugu sheegnay Maraykanka iyo Ingiriiskaba mar labaadna waanu ku celinaynaa xaduudayadu waa mucayin oo nabad ayaanu jecelnahay, ma ogolanayno in qas iyo dhibaato naloo keeno. Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaana waxaanu ugu baaqaynaa inay ilaa shadaan nabada oo waa waxa kaliya ee aynu caalamka ka iibino.” Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu ka hadlay qaraxyadii shaanida ahaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi, “Haddii qarax-yar ka dhaco Hargeysa dhibaato ayay keenaysaa, dadka waxaas wada waxaan odhan lahaa fadlan dalkeena ha inaga xumaynina. Waxa kaliya ee aan caalamka ka iibinayaa ee aan meelkasta la marayaa waa nabada oo waa laynoo soo socdaa, hadday tahay shirkado caalami ah iyo hadday tahay dad shaqo inoo abuuraaya. Waad ogtihiin in ciidamada qaranka lagu soo dhaweeyey deegaanka Taleex oo xoolo loogu qalay, markaa meelkasta oo ka mid ah dalkayaga way tegayaan ciidamadayadu