Xukuumadda Suudaan Oo Sii Deysay Hooyo Deldelaad Lagu Xukumay

Xukuumadda Suudaan Oo Sii Deysay Hooyo Deldelaad Lagu Xukumay

Suudaan

Suudaan, 24 June 2014 (Salaanmedia.com)-Meriam waa 27-jir muslimad ah, dhakhtarnimada baratey, una dhalatey dalka Suudaan. Ninkeeda oo lagu magacaabo Daniel Wani,waa ganacsade masiixi ah una dhashey dalka Suudaan imikase haysta dhalashada Mareykanka. Meriam aabaheed wuxuu ahaa Suudaani muslim ah, hooyadeedna itoobiyaaniyad masiixiyad ah. Meriam markey aheyd 5-jir ayuu aabaheed iskaga tagey,waxa Meriam korsatey hooyadeed oo masiixiyad ahayd kuna barbaarisey Diinta masiixiga ah. September 2013, ayaa Meriam loo taxaabey xabsiga laguna eedeeyey in ay kufridey, guursateyna nin masiixi ah. May-15- 2014, Meriam oo xaamilo ah (8-bilood) ayaa lagu xukumey 100 jeedal iyo deldelaad dil ah.Waxa iyadoo silsilad cagaha kaga xidhantahay, wiil 20 bilood ahna haysata ay gabadh yar ku umushey xabsiga dhexdiisa. Dhakhaatiirtii ayaa aad uga xumaadey umushan xabsiga ku jirta, labada lugoodna silsilad bir ah lagaga xidhey. June 18-kii ayey dawlada Suudaan ku amartey in Meriam laga furo silsilada lugaha kaga xidhan, waxana loo ogolaadey in uu ninkeedu xabsiga ku booqdo. Dawladaha reer Galbeedka, madaxda midowga Yurub, Ururada u dagaalama xuquuqul iinsaanka, iyo dawlada Mareykanka ayaa culeys baddan saarey xukuumadda Suudaan kuna guuleystey soo deynta Meriam Ibrahim. Waxa imika laga wadaa safaarada Mareykanka ee Kharduum sidii Meriam iyo caruurteeda dhakhso loogu dhoofin lahaa dalka Mareykanka.