Abou Diaby:“Soonku bishan wuu adag yahay, balse awood dheeraadah ayaan ka helay.”

Abou Diaby:“Soonku bishan wuu adag yahay, balse awood dheeraadah ayaan ka helay.”

ABUDABIA

Ciyaaryahanka muslimka ah khadka dhexe ee kooxda Arsenal Abou Diaby ayaa qiray in uu noqon karo xiddig awood dheeraad ah ku leh kooxda xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo uu xiddigan sooman yahay isaga oo sheegay in uu ballan-qaadyo wanaagsan ka haysto kooxda Arsenal. Waraysi uu la yeeshay Wabset-ka TheFA.com ayaa Diaby waxaa uu yidhi “Tani waa waqtigii ugu adkaa ee aan ku soomo England, sababta oo ah maalmaha waa dheeryihiin kulaylkana aad ayuu u daran yahay.Waa arrin adag in aad soonkaaga u furto ciyaar ama tababar wixii la mid ah waayo bulshada kuma oga xushmada diintaada,laakiin soonkan waxaa uu ku soo aaday xilli ciyaareedka is-diyaarisgiisa hadii uu horyaal socon lahaa dhib kale ayay nagu ahaan lahayd waayo Energy badan ayaa u baahan tahay.”Ayuu yidhi xiddigan muslimka ah Abou Diaby . Si kastaba xiddigan Abou Diaby ayaa kamid ah xiddigaha kubadda cagta ku xamaasha ee lagu tiriyo kuwa ku dhegan diintooda islaamka isaga oo dhowr jeer lagu arkay masaajida England iyo madaarista diinta islaamka lagu barto waxaana uu muddo sanad kabadan dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa Arsenal inkasta uu haatan soo laabtay. Bisha barakaysan ee Ramadan.