Arrimo Yaab leh Oo lagu soo kordhiyey Garoomada diyaaradaha Ee dalka Maraykanka

Arrimo Yaab leh Oo lagu soo kordhiyey Garoomada diyaaradaha Ee dalka Maraykanka

Garoomada Diyaara

Ammaanka garoomada diyaaradaha ee ku yaala dalalka reer galbeedka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo dadka u socdaalaya Mareykanka baadhitaan adag lagu samaynayo. Garoomada diyaaradaha Yurub sida kan Jarmalka ee Frankfurt iyo garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London ayaa si aad ah loo baadhayaa dadka u socdaalaya Mareykanka. Hay’adaha Sirdoonka reer galbeedka ayaa aamisan in Ururka Al-Qaacida ay casriyeeyeen xirfadooda bam sameynta, ayna isticmaali karaan aalado ka duwan kuwii hore oo ah bam la farsameeyay oo ka gudbi kara baadhitaanada garoomada diyaaradaha. Arrimaha yaabka leh ayaa ah in hadii Telefoonkaga gacanta ee Mobile Phones loo yaqaan ama Laptop aad wadato hadii uu dabka ka dhaco aanay ku suurta geli karin inaad u dhoofto Mareykanka. Sidoo kale waxyaabaha electronic ayaa iyana baadhitaan adag lagu sameynaya, maxaa yeelay? hadii qalabka electronic uu ka dansan yahay ma suurta geli karto in la baadho. Hadii uu daaran yahay Mobile Phones aad wadato ama Laptop laguma dhex qarin karo waxyaabaha qarxa, waxaana hadii uu daaran yahay uu suurta gal ka dhigaya in baadhitaanada uu maro, laguna ogaado wax walba. Tani ayaa ka dhigaysa digniin cusub oo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ay ka bixinayaan in kooxaha Al-Qaacida ee Suuriya iyo Ciraaq ay weeraro ka fulin karaan, gaar ahaan dhalinyarada haysta baasaboorada reer galbeedka ee ku biiray kooxaha Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalamaya.