Barcelona Oo Lagu Qasbi Doono Inayna Ku Tartamin Horyaalka La ligaha Haddii Gobalka Catalunya Xoriyad Qaato

Barcelona Oo Lagu Qasbi Doono Inayna Ku Tartamin Horyaalka La ligaha Haddii Gobalka Catalunya Xoriyad Qaato

BRCTILONA

Iyadoo gobalka Catalunya ee ay Barcelona ku taalaa u dagaalamo xoriyad uu ka helo Spain inteeda kale , ayuu madax waynaha horyaalka Spain ku adkaystay in ayna Barcelona ka sii tirsanaan doonin horyaalka La ligaha haddii ay Catalunya xoriyad qaadato.
Gobalkan ayaa muddo dheer doonayay inay Spain inteeda kale ka go’aan iyadoo ay ugu wacan tahay farqi udhexeeya dhaqan ahaan iyo luuqad ahaanba. Barcelona ayaa ahayd astaanta gobalkan muddo dheer wuxuuna gudoomiyaha horyaalka ee Javier Tebas sheegay inayna Barcelona ka sii mid ahaan doonin horyaalka spain haddii ay goostaan Catalunya.
Javier Tebas oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Madoonayo inaan ka hadlo suurtagal nimada ee Catalunya waligeed waxay ahaanaysaa Spain.Anigu kaliya kama walwalsani Barcelona, laakiin waxaa kale oo jira Nastic, Girona, Espanol, Llagostera iyo Sabadell oo dhamaantood ka soo jeeda gobalkan. Haddii sharciga kubbada ee haddu sii jiro ma awoodi doonaan inay horyaalka ka sii mid ahaadaan.
“Waxaa nagu waajib noqonaysa inaanu sharciga wax ka badalno. Tusaale ahaan Andorra waxay ka ciyaartaa tartankayaga sababatoo ah sharci khaas ah ayaa sheegaya wayna awoodaan taas waa in wax dheeraad ah la sameeyaa”.
“Ugu horayn Barcelona ma awoodi doonto inay La Ligaha ka tartanto ilaa shesiis meel dhexe layskugu yimid la gaadhayo”.