Barcelona Oo Luis Suarez ugu hanjabatay in mushaharka laga dhimi doonno hadii uu qaniino

Barcelona Oo Luis Suarez ugu hanjabatay in mushaharka laga dhimi doonno hadii uu qaniino

Qaniinyada

Ciyaartoyda dalka Spain Luis Suarez ayaa lagu soo waramayaa inuu durbadiiba digniin culus oo dhan mushaharadkiis la xidhiidha kala kulmay kooxdiisa cusub ee Barcelona, taasoo ah in 10 milyan oo gini uu mushahar ahaan u qaadan doono sannadkii laga jari doono qiimo dhan 3 milyan oo gini haddii uu qaniino ciyaaryahanka ka soo horjeeda. Weeraryahankan heerka caalami ee xulka qaranka dalka Uruguay ayaa ka mid noqday Barceloona, kadib markii uu 75 milyan oo gini ugu soo tagay Liverpool, isagoo kooxda toddobaad, qallinka ugu duugi doona heshiis shan sanno, wuxuuna mushahar ahaan u qaadan doona todobkii lacag dhan 200,000 kun oo gini. 27-jirkan ayaa noqdan doona ciyaaryahanka Afraad ee ugu mushaharka badan kooxdan marka laga soo tago Messi, Neymar iyo Andres Iniesta, laakiin waxaa jiri doonta farta-gelin lagu sameeyn doono jeebkiisa, iyadoo laga jari doono, lacagta sannadkii la siin doono saddex milyan oo gini oo ka mid ah haddii uu mar kale soo celiyo. foosha xumaa ee uu dhawaan ku qaniinay Giorgio Chiellini- taasoo uu ku muteystay in wax walba oo la xidhiidha kubadda cagta laga joojiyo muddo dhan afar bilood