Cilmi-baadhayaal Iftiimiyey Qaab cusub Oo niyad jabka lagu dawaynayo!

Cilmi-baadhayaal Iftiimiyey Qaab cusub Oo niyad jabka lagu dawaynayo!

NIYAD JABKA

Cilmi-baadhis laga sameeyay Jarmalka ayaa waxaa lagu ogaaday in irbadda laysku mudo ee Botox aanay ahayn kaliya mid wajiga ka baabi’isa laab-laabka, balse ay sidoo kale muhiim u tahay daweynta murugda iyo niyad jabka. Aqoonyahanno ka tirsan Kulliyadda caafimaadka Hanover ee ku taala Jarmalka ayaa waxay dad niyad jab qabay siiyeen laba cirbadood oo tan hore lagu shubay dawada Botox, halka tan kalena lagu shubay kaniin aan wax-tar lahayn. Laba todobaad ka dibna waxaa la arkay dadkii cirbadda Botox qaatay oo ay aad uga yaraatay dhibaatadii murugada, halka 6 todobaad markii ay ka soo wareegatay qaadashadooda irbaddana ayba arkeen soo roonaasho muuqata oo socotay illaa iyo markii cilmi-baadhistan la soo dhameeyay 16 todobaad ka dib waqtigaas. Dadkii kale ee irbadda kaniinida beenta ah lagu shubay qaatay ayaa iyagana la arkay inaanay wax isbedel ah ka dareemin dhibtii haysatay ee murugada ahayd. Cilmi-baadhayaasha ayaa waxay xaqiijiyeen in kaniiniga Botox oo halkii irbadood ee ka mida ay dhowr bilood shaqaynayso uu sidoo kale yahay mid nabdoon kuna yartahay saameynta kale ee loo yaqaan