Ciyaaryahan Fred Oo ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay Xulka Qaranka Brazil

Ciyaaryahan Fred Oo ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay Xulka Qaranka Brazil

Fred

Weeraryahanka xulka Qaranka Brazil Fred ayaa shaaca ka qaaday in uu gebi ahaanba ka fariistay Cayaaraha Caalami ee xulka dalkiisa kaddib sharaf dhicii ay kala kulmeen cayaaraha Koobka Adduunka “Way iiga dhammaatay xulka Brazil” ayuu yidhi 30 jirkan u ciyaara kooxda Fluminense oo ay taageerayaasha Selecao ku ooriyeen kulankii nus dhammaadka Koobka Dunida oo 7-1 Jarmalku kaga badiyay Brazil “Dabcan guuldarradaasi waan qaadanayaa, laakiin qaladkeeda xulka oo dhan ayaa lahaa.” Ayuu sii raaciyay Frederico Chaves Guedes. Weeraryahankan oo in ka badan 100 gool u dhaliyay naadigiisa Fluminense tan iyo 2009 ayaa sidoo kale Brazil u saftay 36 kulan, waxaana uu u dhaliyay 17 gool “Xitaa Pele habeenkaasi taageerayaashu way ku oorin lahaayeen hadduu goob joog ka ahaan lahaa 7-1 » ayuu Fred ku ganuunucay. Dhinaca kale Goolhayihii Brazil Julio Cesar ayaa ka sii horreeyay Fred isagoo isna shaaciyay in uu ka fadhiistay ciyaaraha Caalami kaddib markii xulkiisu taariikh madoow kala galbaday Koobka Adduunyada