Dadka dalxiiska U taga Thailand Oo Isku Dilaya Buur u Eg Koobka Adduunka

Dadka dalxiiska U taga Thailand Oo Isku Dilaya Buur u Eg Koobka Adduunka

Koobka adunka

Koobka Adduunka 2014 ayaa xagaagan dunida xoog ku qabsaday, waxaanad ka garan kartaa in waxyaabihii dabiiciga ahaa laftooda la soo geliyay. Seerada qaranka ee Pa Hin Ngam national park oo ku taalla gobolka Chaiyaphum ee dalkaasi Thailand, ayaa ah meel caan ku ah buuro dhagax ah oo waxyaabo kala duwan u qaab Eg. Midda ugu yaabka badanise waxay tahay in buurahaa sida dudumada u taagan ay qaarkood u egyihiin sida qaabka Koobka Adduunka, hadaba dhagaxan oo ay dadka maxalliga ihi u yaqaannaan “Lan Hin Ngam” oo la micne ah “Dhagaxii qurxoonaa ee banaanka ku yaallay”, ayaa soo jiitay dalxiisayaasha caalamiga ah ee aalaaba booqashooyinka ku taga dalkaasi Thailand