Dagaal Tiknoloojiyada Ee Shiinaha Iyo Mareykanku Oo meel Adag Maraya

Dagaal Tiknoloojiyada Ee Shiinaha Iyo Mareykanku Oo meel Adag Maraya

CHIINA TIKnol

Wasaaradda caddaaladda ee Mareykanka ayaa Sun Bin oo ah muwaadin Shiinaha kuna nool dalka Canada waxay ku eedaysay in isaga iyo laba qof oo burcadda tiknoloojiyadda ka mid ay iska kaashadeen sidii loo xadi lahaa xog milatari oo ay leedahay dowladda Mareykanku. Wasaaradda ayaa xeer-beegtida ay dacwadda u gudbisay waxay ka hor sheegtay in saddexda ruux ay mudadii u dhexeysay 2009 illaa 2013 ka shaqeeyeen sidii loosoo ururin lahaa xogo xasaasi ah oo khuseeya tiknoloojiyadda Mareykanka ee ku saabsn sameynta diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi uu leeyahay sida F-22, F-35 iyo dayuuradda ciidamada daabusha ee Boeing C-17. Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in kooxda burcadda ah ay siisay ninkan Bin la yiraa dukumiinti sir ah oo ka kooban 1467 bog, kaasoo xambaarsan ujeedooyin burcadeed oo la filan karo isla markaana uu ninkan ka iibin karo shirkadaha duulimaadka dowladda ee China. Sanadkii 2009 ayuu Joornaalka Wall Street faafiyay war sheegaya in koox burcad ah oo loo malaynayo inay China ka soo jeedaan ay weerareen Kumbiyuutarada wasaaradda difaaca Mareykanka ee lagu keydiyo xogta quseysa diyaaradda F-35. Inkastoo aan la xaqiijin karin in eedeysanahana Bin la yidhaa uu xidhiidh la leeyahay dadaalada burcadnimada Internetka ee dowladda China hadana waxaa muuqata inuu ninku xag dhaqaale kaga faa’ideysanayay xogtan, taasoo qudheeda aan meesha ka saareyn inay xogti u gudbi karto shirkadaha dowladda China. Waxaa xusid mudan in eedeysane Bin lagu xidhay Canada 28-kii June ee la soo dhaafay. Sida la filayana waxaa loo soo gacan galin doonaa Mareykanka. Dagaalka Internetka ee Mareykanka iyo China ka dhexeeya ma aha mid iminka cusub. Sida la xusuustana bilowga sanadkan ayeey Mareykanku ku eedeysay China inay shaqaaleysiisay ciidan burcad ah oo ku kacaya jaajuusnimo aan iyadoo kale horay loo baran, taasoo loogu yeeray jaajuusnimada dhaqaalaha. Sida la qiyaasayna waxay dowladda Mareykanku jaajuusnimadan dhaqaale iyo xatooyada lagu sameeyay xogteeda ganacsigaba ku luminaysaa sanadkiiba lacag lagu qiyaasay 24 illaa 120 bilyan oo Dollar.