Daraasad la sameeyay Oo Iftiimisay in dadka isticmaal Telefoonka iphone-ka ka caqli badan Yihiin dhiggooda kale

Daraasad la sameeyay Oo Iftiimisay in dadka isticmaal Telefoonka iphone-ka ka caqli badan Yihiin dhiggooda kale

I PON

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa dabool qaaday in dhamaan dadka adeegsada talefanada ay ugu caaqilsanyihiin kuwa haysta taleefanka IPHonka ee ay samayso shirkadda Apole, waana kuwo ku raaxaysanaya awood caqli marka lala barbardhigo adeegsadayaasha kale ee taleefanada aan Iphonka ahayn ee caaqilka ah kuwaa oo ay sameeyaan shirkado kale. Shirkadda ladbrokes oo samaysay daraasadda ayaa la hadashay 2000 oo ah adeegsadayaal taleefanno caaqil ah ayadoo la yeelatay dadkaasi waraysiyo lagu kala ogaanay heerka indheergarad nimadooda iyo xirfadaha ay u leeyihiin xallinta dhibaatooyinka soo wajaha sidoo kale ayaa waxaa lagu ogaanayay fahanka furista xikmadana iyo xujooyinka. Dadka Iphonka isticmaala ayaa celcelis ahaan su’aalihii waxa ay ku jawaabeen 94 ilbiriqsi halka dadka kale ee adeegsada taleefanada kale ee caaqilaka ah ay dhamaan ka badnaayeen intaasi waana taa waxa u keenay in la qaato hal beega ah waxa in adeegsadayaasha taleefanada caaqilka ah waxaa ugu caqli badan kuwa Iphone. Macaamiisha adeegsata taleefanada naxexka google ayaa ayaguna ku jawaabay celcelis ahaan 99 ilbiriqsi waxa ayna heleen kaalinta 2aad ee adeegsadayaasha taleefanada ugu caaqilsan, kaalinta 3aad ayaa waxaa soo galey dadka adeegsada taleefanada samsung ayagoo su aalihii la waydiiayay uga jawaabay celcelis dhan 103 ilbiriqsi, Shirkadda HTC talefanadeeda dadka adeegsada ayaa ayagana halbeega caqliga waxa ay ka galeen kaalinta 4aad ayagoo suaalihii uga jawaabay qadar dhan 105 ilbiriqsi waxaana ka sii danbeeyay oo kalinta 5aad soo ciriirsaday dadka isticmaala taleefanada Nokia ee caaqilka ah. Ugu danbayntii ayaa shirkadda wayn ee Black berry waxa ay dadka adeegsadaa noqdeen kuwa ugu caqliga yar marka lala barbardhigo adeegsadayaasha kale ee taleefanada caaqilka ah waxaana halbeegii suaalaha ee la is waydiinayay ay ku jawaabeen celcelis dhan 118 ilbiriqsi. Daraasadda ayaa inkastoo ay macaamiisha Iphon noqden kuwa ugu caaqilsan dhamaan adeegsadayaasha taleefanada caaqilka ah ayaa hadana adeegsadihii bixiyay jawaabtii ugu dhaqsiyaha badnayd waxa uu ahaa mid ka mid ah macaamiisha samsung waxa uuna gartay jawaabtii laga rabay 46 ilbiriqsi guduhood.