Gabadho fannaanin ah Oo Taageero Yaab leh u muujiyey Qaranka Colombia

Gabadho fannaanin ah Oo Taageero Yaab leh u muujiyey Qaranka Colombia

FANANIIN

Shakira iyo Sofia Vergara oo taageero u muujiyey xulka wadankooda Colombia kadib markii ay soo gaadheen wareega 8-da. Labada gabadh ee ugu caansan wadanka Colombia Shakira iyo Sofia Vergara ayaa aad u amaanay bandhiga xulka wadankooda ka sameenayaan Koobka Adduunka ee sida xiisaha iyo xamaasada ku dheehan uga socdo Brazil. Labadan xidig ayaa fursad u helay in ay muujiyaan taageerada waalida ay u hayaan xulka wadankooda kadib markii 2-0 ay ku jiidheen Uruguay. Fanaanada caanka ka ah dunida Shakira ayaa waxa Gerard Pique oo dhanka difaaca uga ciyaaro Barcelona iyo xulka Spain, ayaa waxay fursad u heshay sida ay u taageersan tahay James Rodriquez kusoo bandhigtay bogeeda Twitter-ka oo ku jiro inka badan 25 milyan.“Waxaan joognaa wareega 8da!!,” ayeey tiri Shakira. “James aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay waxaa tahay laacibka ugu fiican Koobka Adduunka, Ospina waxaa tahay Mucjiso,”. Vergara ayaa taageeradeeda ku muujisay sawir iyadoo xidhan funnaanada xulka qaranka waxayna gabadhan caan ku ahayd showgii US show Modern Family oo Maraykanka aad looga xiiseeyay.