Hadaad Telefoonkaaga Iska Iibinayso Arrimahan Ha Moogaanin!!

Hadaad Telefoonkaaga Iska Iibinayso Arrimahan Ha Moogaanin!!

TELEFANKAAGA

Shirkadda sameysay barnaamijka AVAST ee ilaalinta loogu tala galay ayaa waxay maalmahan soo bandhigeysay daraasad cusub oo tilmaamaysa in doorashada Factory reset ee ku jirta telefoonada Android aanu ahayn mid si dhamaystiran u tirtiraya xogaha kuugu jira Telefoonka.
Shirkadda ayaa waxay website-ka eBay la yiraa ka dhex iibisay 20 Telefoon, dabadeedna waxaa u suurtowday inay soo ceshato in ka badan 40 kun oo Sawiro ah, 750 farriimo Email iyo kuwo mobile-ka lagusoo diray ah, 250 wicitaanno dhinacyo kala duwan ah iyo waliba Credit cards la xaday oo 4 gaaraya.
Arrinta xuni waxay tahay in shaqaalaha shirkadda AVAST ay adeegsanayeen barnaamij caadi ah oo lagusoo celiyo xogaha, taasoo ku tusinaysa in soo cesashada xogaha ay si fudud ku imaan karto iyadoo aan barnaamijyo xoog leh loo baahan.
AVAST iyo Shirkadaha kaleba waxay bixiyaan aalado lagu tirtirayo xogaha Telefoonada ku jira, hase yeeshee waxaa jira tallaabooyin kale oo la qaadi karo si loo ilaaliyo xogaha qofeed marka dib loo habeynayo warshadda ama qaybta Settings-ka la yiraa ee teelfoonka ka tirsan.
Si howlahan loo fududeeyo waxaa la sameyn karaa in Encrypting ama in la qariyo xogaha ka hor inta aan dib u habeyn lagu sameyn Settings-ka ama qaybta laga hagaajiyo barnaamijyada Telefoonka.
Howsha qarinta xogaha waxaa loo marayaa Password. Iyadoo xitaa marka aad tirto xogaha oo dhan qof walba oo inuu dib u arko raba ku qasbanaan doono inuu password-ka gaarka ah helo.
Tallaabada kale ee muhiimka ah waxay tahay dib u hagaajinta Settings-ka. Tani waxay fududeyneysaa in la tirtiro xogaha Telefoonka ku jira. Balse ka hor inta aan iyada lagu dhaqaaqin waa in nuqullo ama Copy keyd ah laga reebtaa xog kasta oo uusan qofku dooneyn inay ka lunto. Waxaadna si howshan kuugu suurtowdo tagaysaa qaybta Settings, dabadeedna ka dooranaysaa Backup& reset oo aad markaasna kagasii gudbeyso doorashada ah Factory reset.
Inkastoo labada tallaabo ee aan kor kusoo marnay ay ku filanyihiin tirtirid dhamaystiran oo lagu sameeyo xogihii Telefoonka kuugu jiraymarka aad iibinayso. Hadana arrinta kale xigi karta waxay noqonaysaa inaad Telefoonka kusoo qaaddo (Uploading) xogo been ah si aad usii kordhiso ilaalinta. Markaanna waxaad soo qaadanaysaa sawirro iyo lambaro wicitaan ah oo aan run ahayn.
Intaas ka dib, waxaad hadana dib u tireysaa lambarada ama sawiradii beenta ahaa ee aad kusoo shubtay Telefoonka, si qof walba ay ugu adkaato inuu helo xogtaada gaarka ah, maxaa yeelay haduu markan isku dayo baarista xogtaadii wuxuu arkayaa kaliya kuwii beenta ahaa ee aad kusoo shubtay.
Hadiisa aad is tiraa wali xogtaadii gaarka ahayd waa la heli karayaa waxaa kuu banaan inaad kusoo noqnoqdo tallaabooyinkii hore illaa aad gebi ahaanba ka burburiso xogihii jiray.
Si kastooy ahaataba hadii aad dooneyso inaad qof kale ka iibiso Telefoonkaaga waa inaad raacdaa tallaabooyinka warbixintan ay inoo sheegtayoo dhamayn kara halis kasta oo ay xogtaadu qof kale ugu tagi karo