Horyaalka La Liga-ha Spain Oo lagu wado in xagaaga soo socda laga hirgeliyo Arrin ku cusub

Horyaalka La Liga-ha Spain Oo lagu wado in xagaaga soo socda laga hirgeliyo Arrin ku cusub

SPAIN

Horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa la filayaa in xagaagan laga hirgeliyo hab ku cusub, balse sannadkan laga hirgeliyey Koobka Adduunka ee Brazil 2014. Xiddigaha tuura laadadka xorta ah ayaa aalaaba kubadda yar hore u tuura oo u dhaweysta dhanka goolasha halka difaacyada ama laacibiinta xidhaneysa kubadda iyana ay ka soo durkaan halka loogu tala galay inay ka xidhan kubadda. Haddaba waxaa la soo kordhin doonaa horyaalka La Liga in meesha la dhigo free kick la calaamadeyn doono oo wax lagu buufin doono si aan loo soo dhaqaajin kubadda halka laacibiinta xidhanaysa kubadda iyana xariijin loo buufin doono oo aanay soo dhaafi karin inta kubadda laga soo tuurayo.