Isbar-bardhig lagu sameeyey Mucjisooyinka reer Argentin Ee Messi Iyo Maradona

Isbar-bardhig lagu sameeyey Mucjisooyinka reer Argentin Ee Messi Iyo Maradona

MEZI IYO MARADONA

Mudo 24-sano kadib xulka Argentina wuxuu soo gaadhay nus dhamaadka koobka aduunka sidoo kalena xulkan ka dhisan qaarada Koonfur Ameerika wuxuu qarka u saaran yahay inu Final u gudbo hadii ay dhigood Holland ka badiyaan, hadaba Lionel Messi ayaa sanadkan boorka iska jafay wuxuuna muujiyay inuusan ahayn laacib naadi oo kaliya kadib markii uu ilaa haatan koobka aduunka ka dhaliyay 4-gool sidoo kalena xidigan qaab cayaareed wanaagsan ayuu soo bandhigay waxaa intaas usii dheer inuu haatan noqday hogaamiyaha kowaad ee xulka Argentina. Messi kulankii ugu dambeeyay ee uu xulkiisa u saftay gaar ahaan cayaatii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Belgium waxaa weeraryahankan u suura gashay inuu kulankiisi 91-aad u safto xulkiisa wuxuuna haatan la siman yahay dhanka safashada Diego Armando Maradona oo xulka Argentina isagana 91-kulan u saftay, sidaa darteed labadan xidig waxaaa lagu sameeyay isku bar bar dhig dhan waxqabadka xulka Argentina fadlan hoos kaga: Messi Maradona Kulamada heer caalami 91 91 Goolaha xulka Agentina 42 34 Kulamada ay World Cup 13 19 Goolaha ay World Cup-ka 5 8 Hanashada World Cup-ka 0 1 (1986)