Jamaahiirta Liverpool Oo qaba in Emre Can uu ka fiican Yahay Zidane & Yaya Toure

Jamaahiirta Liverpool Oo qaba in Emre Can uu ka fiican Yahay Zidane & Yaya Toure

LIVERPOOL

Taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa durbadiiba iska dhaadhiciyay in xiddigooda dhawaan galka ah ee Emre Can uu ka wanaagsan yahay Yaya Toure iyo Zinedine Zidane, kadib markii uu habeen uu wiilkan yar wacdaro ka dhigay kulankiisii ugu horreeyay ee uu kooxdan u safto, isagoo ciyaaray muddo dhan 20 daqiiqo. Can ayaa ciyaartii ay kooxdiisa la yeelatay Preston North End wuxuu ku soo bandhigay qaab ciyaareed soo jiitay indhaha dadkii daawanayay ciyaartaas gaar ahaan jamaahiirta kooxda uu ka tirsan yahay ee Liverpool. kooxda Reds ayaa ciyaartaan waxay guusha ku raacday 2-1, walow xiddigan daqiiqadii 20-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta dhaawac dartii garoonka looga saaray, isagoo 20-kaas daqiiqo gudahood ku soo bandhigay xirfadiisa kubadda cagta. Balse ciyaarta kadib ayaa waxaa taageerayaasha kooxda Reds waxay Twitter ku soo qorayn hadlo ay ku ammaanayaan saxeexooda cusub ee Emre Can, iyadoo daaha ka rogay in xitaa uu ka wanaagsan yahay Yaya Toure iyo Zinedine Zidane.