John Terry: “Fabregas wuu awoodaa in uu buuxiyo booskii Lampard”

John Terry: “Fabregas wuu awoodaa in uu buuxiyo booskii Lampard”

TONI JERy

Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa sheegay in xidiga cusub ee kooxda Cesc Fabregas uu awood u leeyahay in uu buuxiyo booskii uu banneeyay halyaygii hore ee kooxda Blues Frank Lampard kaasi oo isaga tagay kooxda xagaagan.
Fabregas ayaa kamid ah xiddiga khadka dhexe ee ugu wanaagsan aduunka waxaana uu kaga soo biiray kooxda Barcelona kaasi oo shan sanno heshiis ah qalinka ugu duugay kooxda Chelsea waxaana ku baxday lacag dhan 38 million waxaana Terry uu u arkaa xiddigan midkii ku haboonaa in kooxda la soo wareegto “Waa heshiis wanaagsan,waxaa uu awoodaa in kubaddu siduu rabo u maamulo waa dhaliye,kubadda dhise waana shaqsigii ugu haboonaa ee u qalmay in uu buuxiyo booskii uu banneeyay Lambard”.
Terry u sheegay wabka kooxda Chelsea.
Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa la soo wareegtay ilaa shan ciyaaryahan inkasta ay saxeexyada ugu wayn ay ka mid yihiin labada ciyaaryahan ee kale ah Diego Costa iyo Filipe Luis kuwaasi oo kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid.