Kluivert:“Haddii ay Holland joojin Karin Messi, Yaa Argentina u joojinaya Robben.”

Kluivert:“Haddii ay Holland joojin Karin Messi, Yaa Argentina u joojinaya Robben.”

HOLAND

Patrick Kluivert ayaa aaminsan in dhaawaca uu Lionel Messi u geysan karayo xulka Holland uu mid la mid ah xulka Argentina u geysan doono xiddigooda Arjen Robben. Lionel Messi iyo Robben ayaa labaduba ah xiddigo si wayn uga muuqda koobka adduunka iyadoo ay arbacada xulalkooda Argentina iyo Holland isku qaban doonaan wareega afar dhamaadka koobka adduunka. Haddaba Patrick Kluivert oo isagu ka mid ah dadka ka hoos shaqeeya tababaraha xulka Holland ee Louis van Gaal ayaa yidhi isagoo ka hadlaya kulankan “Tayada xulka Argentina waa mid aad u fiican, mid aad u adag ayay nagu noqon doontaa innaga iyo iyaguba. “Argentina waxay heysataa laacibiin waa wayn, labada xulba waxay heystaan laacibiin dhanka kale u rogi karta ciyaarta, inaad joojiso Lionel Messi? Sidee Argentina u joojineysaa Arjen Robben.